Dagaalka Siiriya oo ay ku dhinteen in ka badan 60.000 qof

dagaalkaSiiriya1

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in dad ka badan 60.000 (Lixdan kun) oo qof ay ku dhinteen dagaalka ka socda dalka Siiriya laga soo bilaabo horaantii bishii Maarso 2011.

Advertisements

Warbixinta kasoo baxday Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan xaquuqul Insaanka oo fadhigoodu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa sheegay in tiradan ay tahay mid kooban oo ay filayaan in dad intaasi ka badan ay ku dhinteen dagaalada ka socda dalka Siiriya.

Tiradan ayaa ah dadkii la xaqiijiyey inay dagaalka ku dhinteen laga soo bilaabo bishii Maarso 2011 illaa iyo bishii November ee 2012. Balse guddiga baaritaankan waday ayaa sheegay in tiradan ay tahay mid kooban oo ay jiraan dad badan oo dhintay balse aan la xaqiijin karin tiradooda oo aan ku jirin tirada haloo bandhigay.

Horseed Media
News Desk