Dowladda Puntland oo canshuuro kusoo rogtay deeqaha ka yimaada Beesha Caalamka

Puntland Government obstructs humanitarian services for the poor

(Photo by: Roberto Schmidt/AFP/Getty Images)

Dowlada Puntland oo dhawaan sheegtay inay ka daba tageyso canshuuraha baaqday in la qaado, isla markaana sare u qaaday canshuurihii ganacsiga, ayaa markii ugu horeysay bilowday qaadista canshuurta la dulsaaro Deeqaha ka imaanaya Beesha Caalamka ee lagu kabo Wasaaradaha Dowladda.

Xiriiro kala gedisan oo ay Horseed Media la sameysay qaar kamid ah shaqaalaha ka hawlgala Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka hawlgala Puntland ayaa lagu sheegay inay jiraan canshuuraha lagu soo rogay deeqaha ka yimaada Caalamka. Canshuurtan ayaa u dhaxeysa 5-15%, hawlwadeenadaas ayaa ku xirey Horseed in ay ula hadlayaan iyada oo aan magacooda la sheegin.

Lacagta Canshuurta laga qaadayo ayaa waxaa kamid ah deeqaha dhaqaale ee ka yimid Wadamada iyo hay’adaha ay kamid yihiin: EU, UNFPA, UNICEF, WHO, WFP, Save the Children iyo World Vision.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale canshuuro kusoo rogtay Mushaharka lasiiyo shaqaalaha dawlada oo qaarkood muddo 4 bilood ah aan wax mushahar qaadan.

Shaqaalaha hay’adaha iyo dawladda ee Horseed Media lasoo xariiray ayaa la yaab ku tilmaamay in mashaariicda canshuurta laga qaaday ay kamid yihiin tusaale;

Wasaarada Caafimaadka mashruuceeda:

Mashruuca gurmadka haweenka xaamilada ah ee u baahda qaliinka (Complicated obstetric care) iyo Barnaamijka caafimaadka caruurta oo uu kamid yahay barnaamijyada (Malnourished children), barnaamijyadan oo aysan dowlada wax dhaqaale ah ku kabin balse ay Beesha Caalamka deeqda ku bixiso.

Dowladda Puntland oo ayadu laga filayey inay lacag ku kabto mashaariicda noocaan ah ee bulshada wax loogu qabanayo ayaan ayadu gebi ahaan waxna ku kabin, balse waxaa usii dheer canshuurtan lacagta deeqaha la dulsaaray oo dhibaato weyn ku ah dadka masaakiinta ah oo deeqdan loogu talo galay.

Xubno kamid ah hay’adaha ay canshuurtan saameysay oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in canshuurtan ay tahay midda kaliya oo nooceeda ah oo Soomaaliya ka jirta.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa lacag gaareysa  $78,000 oo laga jaray Deeqaha Caalamka ku shubtay Khasnada Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Puntland, Wasaarada Caafimaadka ayaa iyaduna Wasaaradda Maaliyada khasnadeeda ku shubtay lacag ka badan $120,000, lacagahan oo la sheegay inay yihiin canshuur ay qaadatay dowlada ayaa laga jaray deeqaha Caalamka ka yimid afartii bilood ee lasoo dhaafay sanadkii 2012.

Mid kamid ah Shaqaalaha hay’adaha ka hawlgala Puntland isla markaana horey uga soo shaqeeyey bartamaha iyo Koonfurta ayaa Horseed Media u sheegay in canshuurtan uu si weyn ula yaaban yahay isla markaana uu weligiis arag canshuuro noocaan ah oo lagu soo rogo adeega bulshada iyo deeqaha loogu talo galay in wax loogu qabto dadka tabarta yar ee saboolka ah, wuxuuna ku tilmaamay canshuurtan mid lamid ah lacagtii Al Shabaab ka qaadi jirtay Beeraleyda koonfurta Soomaaliya.

Qorshaha Canshuurta 2012 ee Dawlada Puntland

Bishii Oktoober 2012, Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday inay ka daba tegi doonto oo ay qaadi doonto Canshuurihii baaqday (AKHRI) ayadoo dhamaan Wasaaradaha Dowladda lagu wargeliyey inay soo xareeyaan canshuuraha.

Dowladihii hore ee Puntland ayaa ayagu canshuuraha ka qaadi jiray Ganacsatada iyo Shacabka, canshuurahaasi oo u kala bixi jiray qeybo kala gedisan oo ay kamid yihiin Dhoofinta iyo Keenista, ganacsiga, gaadiidka & Wadooyinka iyo guryaha.

Balse waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo Canshuur laga qaado Deeqaha ka yimaada waddamada wax siiya Puntland iyo hay’adaha caalamiga ah, waxaa iyaduna markii ugu horeysay canshuur lagu soo rogay Mushaharka lasiiyo Shaqaalaha Dowlada oo laga reebtay lacag ku dhaw 10% mushaharkooda.

Canshuurahan la qaadayo ayaa kusoo beegmaya xili dowladdu ay afartii bilood ee lasoo dhaafay bixin wax mushahar ah isla markaana ay jiraan qaar kamid ah Wasaaradaha dowladda oo aan bixin biilashii lagu lahaa sida korontada, biyaha iyo internetka.

Dowladda ayaa horey isugu dayday inay canshuur dheeraad ah kusoo rogto Lacagta shacabka loogu soo diro Xaawaaladaha, arrintan oo keentay dood xoogleh oo dhex-martay shirkadaha Xawaaladaha oo iyagu sheegay inay horey u bixiyaan canshuuro dheeraad ah isla markaana aysan canshuuro kale laga qaadi karin  macaamiishoda, arrintan ayaa hakad ku timid kadib markii warkan uu si hoose uga baxsaday xubno kamid ah Wasaaradda Maaliyada oo ayagu xilalkooda ku waayey warkan loo gudbiyey qaar kamid ah saxaafadda.

Cabdirisaaq Maxamed
Horseed Media

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!