Dowladda oo bilowdey in ciidamada gobolka Baay mushaharkooda la gaarsiiyo

Wasiirka Gaashaandhiga

Wasiirka Gaashaandhiga

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta mushaaraadkooda u qeybisay ciidamada DF ee ka howlgala Gobolka Baay.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo saxaafadda shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in maanta Ciidamada DF ee ku sugan Baydhabo iyo Deegaanka Goofgaduud loo qeybiyay mushaaraadkii ay xaqa ugu lahaayeen Dowladda.

Horey ayaa ciidamo gadoodsan oo ka tirsan ciidanka dowladda (Akhri) ee ku sugan magaalada baydhabo u gadoodeen kuwaas oo ka cabanayey in aan wax mushahar iyo daryeel ah la gaarsiin 6 bilood ee u danbeysey waxaana ay fariisin ka dhigteen Maanya fuulka oo ku dhaw Baydhabo.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka ayaa lacagta mushaarka geeyay Gobolka Baay kadib markii ay wefdi heer sare ah oo ka socda Dowladda ay booqasho hal maalin qaadatay ku tageen baydhabo.

Wasiirka oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen Afar Xildhibaan,Taliyaha Milateriga iyo saraakiil kale ayaa maanta soo gebogebeeyay booqashadooda iyagoo isla galbta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Fiqi iyo wefdigiisa ayaa mudadii ay joogeen Baydhabo la kulmay Masuuliyiinta maamulka Gobolka,Saraakiisha ciidamada iyo qeybaha bulshada kuwaasoo ay kala hadleen dardar gelinta arrimaha amniga,Nolosha ciidamada iyo sidii Gobolka oo dhan looga saari lahaa cadowga Alshabab.

Horseed Media
Muqdisho-Somalia

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!