Madaxweynaha Bartamaha Afrika oo sheegay inuu xilka ka degi doono

selekaCar13

Madaxweynaha wadanka Bartamaha Afrika (Central African Republic)Francois Bozize ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono marka wakhtigiisa dhamaado sanadka 2016.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale casilay Wiilkiisa oo uu horey uga dhigay Wasiirka Difaaca iyo waliba Taliyaha guud ee Ciidamada wadankaasi.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii jamhada dowlada kasoo horjeeda ay la wareegtay in badan oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi isla markaana soo gaareen hareeraha magaalada caasimada ah ee Bangui.

Jamhada Seleka ayaa ogolaatay wadahadal cusub oo laga dhex bilaabay dowlada iyo mucaaridka, kulamadaasi ayaa ka bilaabanaya dalka Gabon ee Galbeedka Afrika.

Mucaaridka ayaa lagu wadaa inay codsan doonaan inuu xilka isaga dego Madaxweyne Francois Bozize. Kahor intaan dhamaan wakhtigii xilka loo doortay oo ku eg 2016.

Horseed Media
News Desk

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!