Madaxweynaha Soomaliya oo dib ugu laabtay Muqdisho kana hadlay safarkiisii Suudaan.

xassan_ariveMadaxweyne Xasan Sh. oo ay wehliyeen Xubno ka tirsan labada Gole ee DF iyo Saraakiil Ciidan ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib markii uu kaga soo qeybgalay Magaalo ku taalla Suudaan Xafladdii loogu dabaaldegayay Sanadguuradii 57aad ee kasoo wareegatay markii ay Suudaan Xurnimadeeda ka qaadatay Gummeystihii Ingiriska.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay R/Wasaare saacid ,Wasiirro iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo AMISOM.

Madaxweyne Xasan ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in mudadii uu ku sugnaa Suudaan uu sidoo kale la kulmay madaxweyne Al-Bashiir kaasoo ay ka wada hadleen horumarinta Xiriirka labada dal iyo sidii ay u kordhin lahaayeen Taageerada ay siiyaan Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa muddadii uu ku sugnaa dalka Suudaan booqdey shirkadda daabacaysa lacata cusub ee Soomaaliya waxaana uu ka codsadey in ay hakiyaan daabacaaddaas inta dalka laga xasilinaayo loona diyaarinaayo qaabka ay ku hirgeli karto.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale mudadii uu joogay Suudaan waxa uu la kulmay jaaliyadda iyo ardayda Soomaalida wax ka barata Suudaan kuwaasoo kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dib u dhiska wadankooda.

Horseed Media
Muqdisho Somaliya

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!