Xassan Shiikh Maxamuud oo booqdey shirkadda daabacaysa lacagta cusub ee Soomaaliya

xassan_bashiirMadaxweynaha Jamhuuriyadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo qaar kamid ah golaha wasiirada ayaa booqdey goobta ay ka socoto daabacadda lacagta la doonayo in Soomaaliya laga hirgeliyo taas oo bilaamatey sanadkii hore 2011, lacagata ayaa waxaa dabacaysa shirkad laga lee yahay dalka Sudan waxaana lagu daabacayaa isla dalka Sudan

Madaxweynaha ayaa ku wargeliyey shirkaddaa wadda daabacadda in ay hakiso daabacaadaas inta dalka laga dejinaayo isla markaana la diyaarinayo qaabka lagu hirgelin karo, lacagtaas.

Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta ayaa sheegay in lacagtaas ay ku jirto gacmo aamin ah isla markaasna loo daabacay si waafaqsan shuruucda caalamka, ayna ka koban tahay 1 000, 2 000, 5 000 10,000, 20,000 iyo 50,000sh/so.

Heshiiska samaynta lacagtaas ayaa bilowdey sanadkii 2010, markii uu ahaa wasiirka maaliyadda Shariif Xassan Shiikh Adam, waxaana ay hakatey markii dawladdu bixin weydey lacagtii lagu daabacayey.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmihii u danbeeyey booqasho rasmi ah ku joogey dalka Suudaan, waxaana uu kulamo kala geddisan la qaatey Madaxda dalkaas, sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmey ardeyda wax ka barata jaamacadaha Suudaan.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in ay maanta dib ugu soo laabtaan Xarunta dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Muqdisho.

Horseed Media
Muqdisho, Somaliya

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!