ASAD: Filim ka hadlaya Burcad Badeeda Somalida oo indhaha Caalamka soo jiitay [Daawo]

asad-film

Asad waa Wiil Soomaali ah oo ay hortaal inuu kala doorto inuu noqdo Kaluumeysato ama Burcad badeeda. [Sawirka: Scott Henriksen]

Sanadkan ayaa waxaa lagu wadaa in tartanka Aflaamta Caalamka ee Maraykanka ee loo yaqaan (Oscar Award) markii ugu horeysay lagu soo daro filim ay jilayaan Soomaali Qaxooti ku ah dalka Koonfur Afrika, balse ka hadlaya xaalada burcad badeeda Soomaalida.

Filimkan ayaa lagu dhigay dalka Koonfur Afrika maadaama xaalada amni darteed aan xiligan lagu dhigi karin dalka Soomaaliya, waxaana filimkan la sameeyey sanadkii 2011. Filimkan ayaa dhamaan dadka jilayaasha ah ay yihiin Soomalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.

ASAD:
Filimkan oo magaciisu yahay ASAD ayaa ka hadlaya wiil yar oo Soomaali ah oo magaciisu yahay ASAD oo ku dhaqan tuulo ku taal xeebta dalka Soomaaliya, wuxuuna wiilkan kusoo koray burburkii iyo dagaalkii sokeeye ee dalka Soomaaliya, wuxuuna markii soo qaan gaaray  uu la kulmayaa caqabooyin tiro badan oo ay kamid tahay dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya, asagoo ugu danbeynta ay tahay inuu Go’aan qaato mustaqbalkiisa ah oo uu kala doorto inuu noqdo Kaluumeysato ama Burcad badeed.

Filimkan ayaa lagu duubay xeebta Paternoster oo ku taal degmada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxaana filimkan duubistiisa agaasimayey (Director) u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Mino Jarjoura iyo Bryan Buckley oo ah mulkiilaha shirkad aflaamta soo saarta oo lagu magacaabo Hungry Man. Filimkan ayaa waxaa soo saaristiisa kala qeyb qaatay Capetonian Rafiq Samsodien oo ka socda shirkada aflaamta ee The Asylum.

FilimASAD

Sawir Sheekada Filimka ASAD iyo Burcad Badeed [Sawirka: Scott Henriksen]

Filimkan ayaa ah mid kooban wuxuuna soconayaa 18 daqiiqo kaliya, balse sheekada uu ka hadlayo iyo habka loo duubay ayaa soo jiitay indhaha caalamka, waxaana lagu soo bandhigay filimkan, bandhigyada ugu waaweyn ee Filimaanta cusub ee Caalamka lagu soo bandhigo sida (Film Festivals) magaalooyinka,  Austin, Los Angeles, New Orleans, Rhode Island iyo  Tribeca. Dhamaan bandhig filimeedkaasi ayey dadka sida weyn ugu riyaaqeen filimka ASAD oo hada loo magacaabay in lagu soo daro filimaanta u tartami doona Abaalmarinta filimaanta ee (Oscars 2o13).

filkmkaAsadposterFilimkan ayaa si weyn loogu riyaaqay maadaama dadka Jilayasha ka ah ay dhamaantood yihiin Soomaali qaxootiga ku tagay dalka Koonfur Afrika oo dhamaantood ku nool magaalada Bellville ee dalka Koonfur Afrika.

Filimkan ayaa soo saaristiisa kusoo beegmaysaa xili Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ay dhibaato badan kala kulmaan dalkaasi, balse Filimkan oo si weyn indhaha Caalamka usoo jiitay ayaa waxaa hada ku faanaya Wadanka Koonfur Afrika gaar ahaan magaalada Cape Town oo ah meesha ay hoostimaado goobta filimkan lagu duubay.

Capetonian Rafiq Samsodien oo kamid ah soosaarayaasha Filimkan ayaa sheegay in filimkan uu muujinayo habka ay Soomaalida aan wax badan soo qaadan jilitaanka aflaamta ay u jili karaan filim noocaan ah, wuxuuna sheegay in uu rajeenayo in filimkan uu wax badan ka bedali doono sawirka ay ummada Koonfur Afrika ka qabto shacabka Soomaaliyeed ee dalkooda ku dhaqan.

Maalinimadii Khamiistii ayaa la shaaciyey Filimaanta Sanadkan loo sharaxay Tartanka Filimaanta ee Oscar Award 2013, tartanka Oscars oo sanadkan ah kiisii 85aad, ayaa waxa loo sharaxay Filimka ASAD inuu u tartamo Abaalmarinta (Live Action Short Film).

Daawo Xayeysiinta Filimka ASAD

Sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badanayey xiisaha ay Filim soo saarayaasha caalamka u qabaan inay filimaan ka sameeyaan Burcad badeeda Soomaalida oo soo wada jiitay indha caalamka, waxaana horey u jiray filimaan dhowr ah oo lagu soo qaatay si kooban arrimaha Burcad badeeda Soomaalida, ayaa la filayo dhawaan in filimaan kale laga sameeyo arrimaha la xariira burcad badeeda Soomaalida.

Ahmed Musse
Horseed Media

Facebook Commnets Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.