Madaxweynaha Faransiiska oo ka hadlay dagaalka Mali iyo hawlgalkii Somaliya [Daawo]

Francois Hollande

Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto gacanta militari oo ay siinayaan ciidamada Dowlada Mali. 

Warsaxaafadeedka Madaxweynaha Faransiiska ayaa ka hadlay weerarkii habeenimadii Sabtidii ay ciidamada Faransiiska ku qaadeen magaalada Konna ee waqooyiga dalka Mali, wuxuuna sheegay in dowladiisa ay go’aansatay inay gacan siiyaan dowlada Mali si looga hortago weerarka kooxaha Islaamiyiinta ah oo uu sheegay inay khatar kuyihiin dhamaan Galbeedka Afrika.

Francois Hollande ayaa warkiisa ku sheegay in ciidamadooda ay ku guuleysteen inay joojiyaan duulaankii ay wadeen kooxda Ansaarul Diin oo kusoo wajahnaa magaalada Caasimada Mali ee Bamako oo ay ku nool yihiin 6 kun dad ah oo u dhashay dalka Faransiiska. Dowlada Faransiiska ayaa diyaarado ku duqeysay magaalada Konna halkaasi oo uu uga dhintay mid kamid ah duuliyayaasha diyaaradaheeda dagaalka.

Xoogaga Ansaarul Diin ayaa sheegay inay sii wadi doonaan duulaanka ay uga hortagayaan xoogaga Faransiiska iyo dowlada Mali ee is garabsanaya.

Dowlada Ingiriiska ayaa iyadu sheegtay inay Faransiiska gacan kusiin doonto diyaaradaha xamuulka qaadka kadib markii dowlada France ay beesha caalamka ka codsatay inay ka qeyb qaataan dagaalka lagala soo horjeedo kooxda Ansaarul Diin.

Soomaaliya

Madaxweynaha Faransiiska Hollande ayaa sheegay in todobaadkii hore uu qaatay go’aan in lasoo furto Dennis Allex oo ay muddo sadex sano ah afduub ku heysteen kooxda AL Shabaab, balse wuxuu sheegay in aan arrintaasi lagu guuleysan, isla markaana ay ku dhinteen hawlgalkaasi labo kamid ah ciidamadooda. Wuxuu intaasi raaciyey tani waxay tusaale u tahay sida dowlada Faransiiska uga go’antahay inaysan marnaba gorgortan la gelin kooxaha Argagaxisada.

Sidoo kale waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka dalka Faransiiska iyadoo laga cabsi qabo in kooxaha islaamiyiinta ay weeraro ka geystaan gudaha dalka Faransiiska.

Daawo Shirkii Jaraa’iid ee Madaxweynaha Faransiiska

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.