Qoyska Macalin Ibraahim oo Dowladda Puntland Ka Codsaday In Loo Soo Daayo

Qoyska Macalin Ibraahim Maxamuud Sh, Hindow oo ahaa Macalin wax ka dhigi jiray Dugsi Quraan kuyaal Degmada Baargaal, mudo ka badana 2 sano ah ku xiran magaalada Boosaaso ayaa codsaday in bib xoriyadiisa loo siiyo.

Oorida Macalin Ibraahim oo lagu magacaabo Salma Maxamed abuukar oo maanta qaar kamid ah Warbaahinta ay booqdeen gurigeeda ayaa ka codsatay dowladda Puntland iyo Madaxwayne C/raxmaan Faroole in saygeedo loo soo daayo.

“…Labo sano buu xiran yahay, wax danbi ahna laguma hayo, maxkamada waxay xakuntay in dib xoriyadiisu loogu soo cesho markii lagu waayay cadaymo Buuxa….”

Salma Mxamed Abuukar oo ah Hooyo Saddex Caruur ah ayaa sidoo kale tilmaantay inay soo food saartay duruuf adag oo dhanka nolosha ah maadaama laga xiray qofkii keliya ee ay ku tiir sanaayeen nolol maalmeedkoodana usoo dhicin jirey, waxayna tiri iyadoo indhaheedu ilmaynaayaan “…Ninkaasi xaas buu ka xiran yahay, caruurbuu ka xiran yahay, cid kalena nooma maqna….”

Si kastaba ha ahaatee qaylo dhaanta kasoo yeertay qoyska Macalin Ibraahim Maxamuud Sh, Hindow ayaa imaanaysa kadib xilli uu xiran yahay muddo 2 sano ah, oo aanay jirin cid kahadasha arinta macalinka oo noqotay mid la iska ilaaway.

Sidoo kale Guddi isugu jira odayaasha iyo waxgaradka degaanka ayaa iyaguna soo gudbiyay cabasho ku saabsan Fulin la’aanta xukunka [Sum:-MR/GB/236/2011 ee 02/11/2011 ]. Xukunkaas oo lagu siidaayay IBRAAHIM MAXAMUUD SH. HINDOW ilaa hadana ku xiran xabsiga dhexe G/Bari Boosaso isagoon wax danbi ah lagu cadayn oo Maxkamadu Racfaanka gobolka Bari ay siidaysay.

Maxamed Ibraahim Axmed
Baargaal – Goblka Bari

Facebook Commnets Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.