Ciidamada Nijeeriya oo qabtay mid kamid ah hogaamiyaasha Boko Xaraam

boko-haram0

Ciidamada Militariga ee Nijeeriya (Nigeria) ayaa shalay (Axad) gacanta ku dhigay mid kamid ah hogaamiyaasha kooxda Islaamiga ah ee Boko Xaraam.

Mohammed Zangina ayey ciidamada Militariga ku qabteen magaalada Mayduguri oo ku taal Waqooyi Bari wadankaasi Nijeeriya.

Afhayeen u hadlay Militariga dalkaasi Nijeeriyo oo lagu magacaabo Col. Sagir Musa ayaa saxaafada u sheegay in ninkan la qabtay uu kamid yahay Golaha Shuurada ee kooxda Boko Xaraam, waxaana loo heystaa inuu ahaa ninkii abaabuli jiray weerarada ismiidaaminta ah ee kooxdaasi ka fulisay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Abuja.

Kooxda Boko Xaraam oo u dagaalnata dhaqan gelinta Shariicada Islaamka ee dalkaasi Nijeeriya ayaa sanadihii lasoo dhaafay bilowday weeraro hubeysan oo ay dad badan ku dhinteen. Waxaa la rumeysan yahay in dad ku dhaw 3 kun ay ku dhinteen weerarada lagu eedeeyey kooxdan inay ka danbeysay.

Kooxda Boko Xaraam ayaa waagii hore weerarada la beegsan jiray dadka muslimka ah oo ay u arkaan inay dhaqankooda ka tageen balse waayadii danbe ayey bilaabeen weeraro baaxadleh oo ismiidaamin ah oo lala beegsado xarumaha dowlada, ciidamada iyo waliba xarumaha ay isugu yimaadaan dadka heysta diinta Kirishtaanka.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.