Dagaal ka dhacay Masaajid ku yaal Afghaanistaan oo ay dad badan ku dhinteen

Sayd Abadmeydad

Ciidamada dowlada Afghaanistaan oo kaashanaya kuwa NATO ayaa habeenimadii Axadii weerar ku qaaday Masaajid ku yaal gobalka Wardak ee dalkaasi Afghaanistaan.

Hawlgalkan ka dhacay degmada Sayd Abad ee gobalka Wardak ayaa yimid kadib markii ciidamada NATO iyo kuwa Afghanistaan ay gudaha u galeen masaajid ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan dagaalyahanada Talibanka.

Iska horimaad halkaasi ka dhacay ayaa socday muddo 2 saac ah waxaana la xaqiijiyey in iska horimaadka ay ku dhinteen ugu yaraan 4 kamid ah Talibanka iyo tiro kamid ah ciidamada dowlada Afghaanistaan.

Dagaalkan kadib ayaa la sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanka Sayd Abad ay isku dayeen inay Masaajidkaasi oo burbur xoogan soo gaaray ay kasoo saaraan meydadka dadkii halkaasi ku dhintay, waxaana la sheegay inuu halkaasi ka dhacay Qarax waxaa ku dhintay 7 qof oo rayid ah oo kamid ahaa dadkii meydka halkaasi ka qaadayey.

Qaraxan ayaan la aqoon inuu ahaa mid ay meesha uga tageen ciidamada NATO ama bambaano ay wateen Talibanka la dilay, balse shacabka deegaankaasi ku dhaqan ayaa mudaharaad isugu soo baxay waxayna qaraxaasi ku eedeeyeen ciidamada Maraykanka ee kamid ah kuwa NATO ee hawlgalkaasi ka qeyb qaatay. Shacabka ayaa saxaafadda usoo bandhigay meydadka dadka rayidka ah ee qaraxaasi ku dhintay.

Dowlada Afghaanistaan ayaa horey u sheegtay in weerarada habeenkii la qaado ay khasaaro badan kasoo gaaraan dadka rayidka ah balse ciidamada NATO ayaa sheega in weerarada gaadmada ah ee habeenkii ay qaadaan uu yahay habka kaliya ee ugu fudud oo ay ku qaban karaan dagaalyahanada Talibanka ee la baadi goobayo.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.