Diyaaradaha Dagaalka ee Faransiiska oo duqeymo horleh la beegsaday Ansaarul Diin

gaodagaalyahano1

Diyaaradaha dagaalka ee wadanka Faransiiska ayaa shalay (Axad) markale duqeymo xoogleh ka geystay Waqooyiga dalka Mali iyo fariisimaha dhaq dhaqaaqa Islaamiga ah ee Ansaarul Diin.

Diyaaradaha ayaa duqeynta ugu xooga badan la beegsaday shalay magaalada GAO oo ah magaalada ugu weyn Waqooyiga dalkaasi Mali, magaaladaasi ayey xoogaga Islaamiga ah gacanta ku dhigeen bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay.

Diyaaradaha dagaalka ayaa sidoo kale duqeeyey magaalada Lere oo 150km dhanka Waqooyi ka xigta magaalada Konna oo ah goobtii dagaalkii ugu xooga badnaa ka dhacay maalinimadii Sabtidii, halkaasi oo lagu dilay mid kamid ah duuliyayaasha diyaaradaha Faransiiska.

Duqeynta Lere ayaa la sheegay in lala beegsaday kaydka hubka ee kooxda Ansaarul Diin oo iyagu dagaalka kala soo horjeeda xukuumada Mali, duqeynta Faransiiska ayaa u muuqata mid lagu sii balaariyey Waqooyiga dalka Mali.

Wararka kasoo baxay magaalada GAO ayaa sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymaha diyaaradaha Faransiiska, waxaana sidoo kale ay jabhada Tawaareqda iyo Ansaarul Diin ay baneeyeen xarumahoodii ugu waaweyn oo uu burbur kasoo gaaray duqeymaha.

Magaalada Konna oo sabtidii sidan oo kale loo duqeeyey ayaa la sheegay inay ku dhinteen 11 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 5 caruur ah oo la sheegay in ayagoo cararaya ay ku dhaceen wabiga magaaladaasi mara.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.