Burcadbadeeda oo sii daayey 4 qof oo u dhashey dalka Ghana iyo markabkii Iceberg

Markabka MV Iceberg 1

Markabka MV Iceberg 1

Burcadbadeeda Soomaalida ayaa iska sii daayey 4 qof oo ay haysteen in ka badan saddex sano. Afarta qof ee la sii daayey ayaa u dhashey dalka Ghana, waxaana sidoo kale ay sii daayeen markabkii ay ku qabsadeen ee Iceberg kaas oo xaaladiisu aysan wanaagsaneyn.

Dadka la sii daayey ayaa warbaahinta dalka Ghana ku shegeen magacyadooda

Jewel Kwesi Ahiable
Edward Asare
Prince Agbo
Francis Koomson. A statement

Burcadbadeeda ayaa qabsadey markabka Iceberg bishii March 2010, dadka la sii daayey ayaa la filayaa in ay qayb ka ahaayeen 22 badmaax oo ciidamada Puntland ka soo furteen deegaanka Garacad halkaas oo lagu haystey isla markabka ay hadda sii daayeen Burcaddu ee Iceberg.

Falalka burcadbadeednimada ayaa aad u hos ugu dhacay sanadkan, kadib markii Maraakiibta ganacsigu ay saareen maraakiibtooda ciidamo hubeysan, isla amrkaana Ciidamada Nato iyo kuwa Midowga Yurub ay laba jibaareen hawlgaladoodi taas oo dharbaaxo ku noqotey Burcadbadeeda.

Horseed Media
News Desk

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!