Weriye ka tirsan Idaacadda Shabelle oo Muqdisho lagu diley

Weriye Cabdi Xareed

Weriye Cabdi Xareed

Subaxnimadii hore ee maanta (Jimce) waxaa magaalada Muqdisho lagu diley weriye ka tirsanaa idaacadda Shabelle ee magalada Muqdisho.

Weriye Cabdi Xareed Cismaan ayaa marka la dilaayo ku soo jeedey goobtiisa shaqo, waxaana uu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaaley degmada Wadajir, Sida ay sheegtey Idaacadda Sahbelle, weriye Cabdi Xareed waxa uu saaka ku qornaa warka subaxnimo ee Idaacadda Shabelle.

Cabdi Xareed isla goobtaas kuma naf bixin waxaana isaga oo xaalad khatar ah ku sugan la geeyey isbitaalka Madina halkaas oo ku naf baxay.

Waa weriyihii u horeeyey ee lagu bilaabo dilalka weriyaasha sanadkan cusub 2013, waxaa xusid mudan in sanadkii hore 2012 weriyihii u horeeyey ee la dilo uu u shaqeynaayey Radio Shabelle, Xasan Cismaan Cabdi Fantastic waxaana la diley 28/01/2012.

Dilalka suxufiyiinta ayaa noqdey kuwo aad u soo badana 13 bilood ee u danbeysey, waxaana dilalkooda loo aaneeya jihooyin kala geddisan, iyada oo aysan jirin cid loo soo qabto dilalkooda, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ballan qaadey in loo sameynaayo guddi baara dilalka Suxufiyiinta isla markaana cidii ay ku caddaato sharciga la horgeyn doono.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.