Xulka Kubada Kolayga Soomaaliya oo ka guuleystay Xulka Kenya

XulkaKoleygaSOMALIYA1

Kooxda xulka Qaranka ee Kubada Kolayga Soomaaliya ayaa shalay ka guuleystay kooxda Kenya ciyaartii ku dhexmartay dalka Tanzaniya.

Advertisements

Xulka Soomaliya ayaa uga badiyey kooxda Kenya 81-78, ciyaarahan ayaa qeyb ka ah tartanka kubada kolayga oo ay yeelanayaan 7 wadan oo kamid ah wadamada Bariga iyo Bartamaha Afrika, ciyaarahan ayaa lagu wadaa in kooxda kusoo baxda ay ka qeyb gasho tartanka Kubada Kolayga ee Qaraada Afrika oo ka dhici doona dalka Ivory Coast bishii Agoosto ee sanadkan 2013.

Waa markii ugu horeysay oo uu tartankan ka qeyb qaato dalka Soomaaliya muddo 22 sano ah, waxaana lagu wadaa in kooxda Soomaaliya ay maanta la ciyaaraan kooxda Burundi.

Horseed Media
News Desk