Dowlada Puntland oo sheegtay in xisbiyada xafiisyo ka furteen gobalada Puntland

Calaamadda Guddiga Doorashada aan rasmiga ahayn

Calaamadda Guddiga Doorashada aan rasmiga ahayn

Waxaa todobaadkan gobalada Puntland ka dhacay shirar kala gedisan oo ay soo abaabuleen ururada siyaasadeed ee dhawaan looga dhawaaqay Puntland, kuwaasi oo sheegay inay bilaabeen furashada xafiisyadooda gobalada.

Xisbiga Horseed ee isaga oo aan doorasho ku guuleysan sheegtey in isagu yahay Xisbi Xaakimka Puntland ayaa xiliga doonaya inuu xafiisyo ka furto qeybo kamid ah gobalada Puntland, iyadoo hada wafdi wasiiro ka socda xukuumada ay ku sugan yihiin Sanaag Bari, Buuhoodle iyo Gaalkacyo.

Advertisements

Todobaadkan ayaa waxaa shacab careysay ay hor istaageen xisbiga Midnimo xafiis uu ka furan lagaa magaalada Gaalkacyo, dadkaasi oo burburiyey boorarkii xafiiskaasi la suray, waxana hada la sheegay in xisbiga Horsed uu isku dayayo inuu Gaalkacyo ka furto isaguna Xafiis.

Sidoo kale magaalada Buuhoodle ee gobalka Cayn ayaa waxaa maalin kahor ka dhacay mudaharaad xoogan oo looga soo horjeedo wafdi ka socday Puntland oo halkaasi gaaray, shacabka mudaharaadka dhigay ayaa sheegay inaan xafiis laga furi Karin Buuhoodle iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay ku taageerayaan maamulka Khaatumo.

Magaalada Badhan ee gobalka Sanaag ayey gaareen xubno ka socda xukuumada Farole iyo waliba xisbiga Midnimo oo shalay halkaasi ka furtay Xafiiska ururkooda.

Illaa iyo hada arrimaha ururada Siyaasada ee xukuumada Puntland garwadeenka ka tagay ayaa si caadi ah uga socda magaalooyinka Bosaaso iyo Garowe, wallow ay jiraan caqabado badan oo ka taagan magaalooyinka kale ee waaweyn ee Puntland oo aan illaa iyo hada lagu guuleysan in taageero xoogan ay ururada dhawaan lagu dhawaaqay ay ka heleen.

Dadka dhaliilsan habka loo wado arrimaha dimuquraadiyeynta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in nidaamkan ay si weyn u jahwareeriyeen guddiga doorashada oo uu soo magacaabay Xisbi Xaakimka, iyo xukuumada uu hoos tago, iyadoo taasi saameyn weyn ku yeelatay in aan gobalada Puntland intooda badan looga dhawaaqin ururo siyaasadeed oo mucaarid rasmi ah.

Guddiga Doorashada kumeel gaarka ha ee Puntland ayaa waxaa xubnaha kamid ah soo magacaabay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanaka wakhtigiisa dhamaaday oo ka wada mid ah xisbi Xaakimka, waxaana lagu dhaliilay inay ku dhex milmeen xukuumada.

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa illaa iyo hada diiwaan geliyey lix urur siyaasadeed kuwaasi oo looga kala dhawaaqay magaalooyinka Bosaaso, Garowe iyo hal urur oo looga dhawaaqay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Arrintan ay oo dad badan ku tilmaameen mid astaan u ah sida shacabka Puntland uga gaabsadeen hawsha Xisbiyada oo markii hore qorshuhu ahaa in dhamaan gobalada Puntland si wadajir ah looga wado furto urur siyaasada ee ku tartami doona doorashada golayaasha deegaanka oo la qorsheeyey hada in la qabto bisha May ee sanadkan 2013.

Dhinaca kale waxaa caqabad weyn ka heysataa ururada Lixda ah ee hada lagu dhawaaqay sidii ay u tagi lahaayeen guud ahaan gobalada Puntland iyo degmooyinka la sheegay in doorashooyinka golayaasha deegaanka la qorsheeyey in lagu qabto.

Tusaale Xisbi Xaakimka uu hogaamiyo Madaxweyne Faroole ayaa hada qorsheystay in xafiiskooda ay ugu tala galeen gobalka Sool inay ka furtaan magaalada Boocame, xili xarunta gobalka Sool ee Laascaanood ay gacanta ugu jirto Maamulka Soomaliland.

Waxaa iyaduna su’aalo badan la iska weydiinayaa qorshaha doorashada golayaasha deegaanka ee Puntland oo uu sheegay guddiga doorashada KMG inay ka dhici doonto magaalooyin ay ku jiraan Laascaanood iyo Ceerigaabo, xili aan hada muuqan inaysanba jirin awood xafiis ay ururadaasi uga furtaan magaalooyin ay maamulaan maamulo kale.

Guddiga Doorashada KMG ayaa dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay wax ka bedalay sharuudadaha lagu xirayo ururada siyaasada, iyadoo markii hore mid kamid ah shuruudaha ay ahayd in urur walba uu xafiis ku leeyahay 8da gobal ee Puntland ka kooban tahay.

Qodobkaasi ayaa laga dhigay in 5 gobal oo kamid ah ay xafiisyo ku leeyihiin isla markaana ay ku leeyihiin dadka ka diiwaan gashan ururkaasi siyaasadeed. Waxaa sidoo kale jira qodob kale oo sheegaya in bisha dhalan doonta ee Feberaayo laga doonayo xisbiyada inay qabtaan shirweynahooda ayna dhistaan xeerar hoosaadkooda.

Qodobada kale oo la filayo inay murran xoogan keenaan ayaa waxaa kamid ah in Guddiga Doorashada KMG ah ee aan hada kalsoonida badan shacabka ka heysan ay gar-wadeen ka noqon doonaan Doorashada golayaasha deegaanka ee lagu wado inay dhacdo bisha May 2013.

Ururada Mucaaridka ee hada looga dhawaaqay Puntland ayaan illaa iyo hada u muuqan kuwo dood adag la geli kara xukuumada iyo guddiga doorashada ay soo magacowday, isla markaana aan la aqoon sida ay fursad ugu heli karaan inay kasoo dhex baxaan doorashooyinkaasi la qorsheeyey inay dhacdo bisha May ee golayaasha deegaanka.

Doorashada Goloyasha Deegaanka kadib?

Dhabbaha ay u dejiyeen Guddiga Doorashadu in ay ku soo dhamaato Doorashooyinka Goloyaasha Deegaanka waxay sheegeen in ay soo baxayaan Saddexda Xisbi ee ugu codka badan, kadibna waxaa halkaas ku eg howshoodi, waxaana la soo magacabayaa Guddiga Doorashada ee Rasmiga ah haddaba muxuu kaga duwanaan doonaa kii hore:

Guddiga cusub ee Doorashada isla markaana la sheegay in uu noqonaayo kan rasmiga ah ayaa mar labaad Baarlamaanka iyo Madaxweyne Faroole soo magacaabi doonaan iyaga oo marna Xisbi ah, Marna Madaxweyne iyo Baarlamaan ah, halka labada Xisbi ee kale ay yeelan doonaan laba xubnood oo keliya marka la eego 9 xubnood, waxaana halkaas ka cad in aqlabiyadda magaacibidda uu leeyahay Madaxweyne Faroole, waxaana uu soo magacaabayaa dad fulin kara danaha Xisbigiisa, taya darradda Xisbiyada Mucaaradka sheeganaya ayaan awood u lahayn in ay wax ka beddelaan arrintan, Maadaama Xisbina aanu noqon karin Xisbul Xaakim isaga oo aan tartamin isla markaana ku imaan doorasho uu ku guuleystey, ee ay ahayd in loo sameeyo xeer gaar ah.

Cabdirisaaq Maxamed
Horseed Media