Ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Jabuuti oo la weeraray

wasirka_jabuutiHabeenimadii Jimcadda ayaa weerar hoobiyaal ah lagu qaadey xero ku taala magaalada Beledweyn oo ay deganaayeen ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.

Hoobiyasha waxaa weheliyey rasaas socotey muddo lagu qiyaasey 30 daqiiqo, kadib markii koox ka tirsan al-Shabaab ay weerar abaabulan ku qaaden buundada Liq-liiqatp oo ay fadhiyeen ciidamada Soomaaliya iyo Suuaqa xoolaha saldhig ku dhaw oo ciidamada jabuuti ay deganaayeen.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Jabuuti oo lagu magacaabo Samantar Ducaale Migil ayaa VOA u sheegay in hoobiyaal lagu soo weerary isla markaana ay ka jawaabeen kuna raadjoogaan halka weerarka laga soo abaabuley, Sarkaalka ayaa sheegay in dad rayid ah ay waxyeelo ka soo gaartey hoobiyaashii lagu soo weeraray.

Ciidamada Nabad ilaalinta ee ka socda dalka Jabuti ee ku sugan magaalada beledweyn ayaan horey wax dagaalo ah u arag, waaana markii u horeysey ee la bartilmaameedsado.

Horseed Media
Muqdisho, Somaliya

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!