Faroole oo aan lagula tartamin hoggaanka ururka Horsed

faroole

Waxaa maanta lagu soo afmeeray magaalada Garowe shir u furmey Ururka Horsed ee ay ku jiraan Xukuumadda Dr.Cabdiraxmaan Faroole.

Shirka ayaa la doonaayey in ay doortaan, Guddiga dhexe ee ururka iyo Hoggaanka sare ee Ururka Horsed

Salaad Xareed oo ahaa Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Baarlamaanka Puntland ayaa goobta ka akhriyey qaabka doorashada waxaana uu sheegay in ay tahay gacan taag ama in laba istaago.

Salaad ayaa yiri “Waxaan idinka codsanaynaa in aad codka siisaan Guddoonka sare ee Ururka oo idiin hoggaamin doono, dasuurkana idinku hagi doona

- kow haddii aad maqasho waa Guddoomiyaha ururka waana Cabdiraxmaan Maxamed Faroole
labo, Guddoomiye kuxigeenku waa Cabdisamad Cali Shire
Guddoomiye kuxigeenka labaad waa Cabdirashid Maxamed Xirsi
Xoghayaha maamulka Ururka Waa Cabdullaahi Ilka jiir

-Waxaan idinka codsanayaa dhamaantiin in aad sacabka ku qaabishaan,waa la guddoomiyey, kadib ayuu is beddalay Salaad Xareed oo mikrofoonka haysta YAA qaba, kuligiin istaaga oo gacanta taaga, haddeerba ogaada xalaal maalinbaa la quutaa, haddeerba waxaan markhaanti ka nahay 100% in lagu doortey.

[powerpress: url="http://som.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2013/02/faroole_oo-aan-lala-tartamin.mp3"]

Doorasho aan tartan lahayn

Waxaa dad badan ay sugayeen in Hoggaanka sare ee Ururka loo tartamo laakiin taasi may dhicin, waxaana ka dhacdey doorasho aan loo tartamin isla markaana habaynsan oo qof walba booskiisa la sheegay dadkii ka soo qaybgalayna la yiri u sacibiya una istaaga, tan ayaa noqoneysa mid ka soo horjeeda nidaamka Dr.Faroole iyo Ururkiisu ay leeyihiin dalka waan ka hirgelineynaa, waxaana sida caaddada ah lagu yaqaanaa shirarka caynkan oo kale ee ururada in loo tartamo.

Dhanka kale Guddigii fulinta ee ururka oo ay ahayd in isla shirkaan lagu soo bandhigo ayaan la soo bandhigin waxa keliya ee dadka loo soo hordhigey waa Madaxweynaha kuxigeenkiisi, Guddoomiyihii Baarlamaanka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isagu dalka ka maqan muddo dheer in ay yihiin Hoggaamiyaasha aan lala tartamin.

Maalmaha soo socda ayaa sidaan oo kale la filayaa Ururada kale in ay shirkooda qabsadaan waxaana loo fadhiyaa in ay u dhaqmaan sida Dimoqraadiyadda Cusub ee Dr.Faroole ee aan tartanka ku dhisneyn iyo in loo trtamo Hoggaanka sare.

Si kastaba ha ahaatee in badan oo kamid ah dadka Puntland ayaan weli ka daadegin durbaanka ay tumeyso Xukuumadda Dr.Faroole, waxaana maanta shir ay isugu yimaadeen waxgaradka Gobolka Mudug ka digeen in an wax ururo ah laga furi karin Mudug. waxaana khilaafkani salka ku hayaa mandate-ka Xukuumadda Puntland.

Cabdirisaaq Maxamed
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.