Ciidamada Dowladda oo hawlgalo ka wada gobolka Baay

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Baay ayaa maalmihii u danbeeyey halkaas ka wadey hawlgallo ka dhan ah kooxda al-Shabaab.

Hawlgalladan ayaa ka danbeeyey kadib markii sida la sheegey Ciidamo taabacsan al-Shabaab ay jidka u galaan dadka rakaabka ah ayna kala degaan dadka ay rabaan isla markaana qaarkood ay dileeen.

Advertisements

Guddoomiyaha degmada Berdaale ayaa VOA u sheegey in hawlgalkan ay ka fuliyeen inta u dhexaysa Bardaale iyo tuulada Qansax-omane waxanaa uu sheegay in ay ku soo qabteen dad lagu tuhmaayo in ay al-Shabaab ka tirsan yihiin, Guddoomiyaha ayaa sheegay inaysan jirin saldhig ay leeyihiin laakiin ay yihiin niman socda oo waddada u gala dadka rakaabka ah, waxaana ay maalin dhaweyd la degeen wiil ardey ah oo aabihiis la socdey kaas oo markii danbe ay waddada soo dhigeen isaga oo gawracan ayuu yiri Guddoomiyaha Bardaale.

Degmada Bardaale waa halkii u horsyey ee ciidamada Dowladdu ka qabsadaan al-Shabaab, waxaana amaankeedu ahaa mid soo wanaagsanaanayey marba marka kadanbeysey.

Xarkada al-shabaab ee laga saarey magaalooyinka waaweyn ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa hubkoodi ula baxay miyiga iyo tuuliyinka goboladaas waxaana ay weli fuliyan weeraro gaadmo ah.

Horseed Media
Muqdisho, Somaliya