Suldaan Muuse Faarax Muuse oo Bosaso lagu diley

breaking_newsWaxaa maanta magaalada Bosaso lagu diley Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ahaa suldaanka beesha Muuse Saleebaan (Ugaar Saleebaan).

Dad ka agdhawaa goobta dilku ka dhacay ayaa sheegaya in dilka ay geysteen laba dhalinyaro ah oo soo xirtey Tuutaha ciidamada kadibna ay ku baxsadeen gaari meesha u taagnaa, dilka ayaa ka dhacay goob dadku ku badnaayeen waqti ay socdaan hawlihii ganacsigu.

Advertisements

Marxuumka la diley ayaa 15 sano ee u danbeysey ka shaqeynayey arrimaha nabadda iyo wada noolanshaha bulshada Puntland, waxa uu ahaa nin afgaaban isla markaana lagu yaqaano cibaado badan.

Ma cadda jihada ay ka yimaadeen nimanka dilka geystey, waxaana socda baaritaano ku aadan arrintaas. Faahfaahin gadaal ayaan ka soo dabacaynaa

Horseed Media
News Desk