30 qof ayaa ku dhintey weerar lagu qaadey saldhig Boolis dalka Ciraaq

20132385513576734_20

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintey kadib markii qof isa soo miidaamiyey oo watey gaari lagu soo xirey waxyaabaha qarxa uu galay saldhig Boolis oo ku yaala magaaalada Kirkuk Waqooyiga Ciraaq, qaraxa kadib isla markiiba waxaa gudaha u galay saldhiga rag kale oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca kuwaas oo rasaas la dhacay booliskii iyo dadkii kale ee ku sugnaa saldhiga.

Natah Mohamed Sabr oo ah madaxa gargaarka deg-deg ah ee magaalada Kirkuk ayaa sheegay in kuwa weerarka geystey ay ku hubeysnaayeen noocyo kala duwan oo hub ah, waxaana ay iska soo hor mariyeen gaari bom ku xiran yahay kaas oo u wadey qof naftiisa miidaamiyey, waxaana markii qaraxu dhacay xaaladdu noqotey mid aad u qasan taas oo ay ka faa’ideysteen.

Sida laga soo xiganayo masuuliyiinta magaalada Kirkuk dad ka badan 70 qof ayaa weerarkan ku dhaawacmey kuwaas oo qaarkood xaaladoodu tahay mid daran.

Dalka Ciraaq ayaa todobaadyadii u danbeeyey ka nastey weerarada caynkan oo kale ah, ma jirto cid sheegatey weerarkan.

Horseed Media
News Desk

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!