Diyaarad khatar ku gashey Garoonka diyaaradaha ee Rome dalka Talyaaniga

117914510de8b5b53e9_1Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacmey, kadib markii shil diyaaradeed uu ka dhacay gegida diyaaradaha ee magaala Rome dalka Talyaaniga, shilka ayaa yimid, markii diyaaraddu soo degeysey ayna ka baxdey waddadii loogu tala galay in ay ku soo degaan diyaaraduhu, waxaana ay u baxdey banaanka iyada ii dusha ka martey dhir meeshaas ka baxdey.

Mid kaid ah dadka dhaawacmey ayaa xaaladiisu tahay mid khatar ah waxaana loola cararay Isbitaalka.

Qiyaasto 50 qof oo rakaab ah ayaa diyaaradda saarnaa taas oo ka timid magaalada Pisa ee isla dalka Talyaaniga dhexdiisa. Diyaaradda ayaa ka tisaneyd shirkadda Carpatair.

Sida laga soo xiganayo maamulka Garoonka diyaaradaha Rome waxaa loo badinayaa in ay sababatey shilkaan cimilada oo xumeyd, ama qalad uu galay Duuliyaha diyaaraddu.

Source: AFP, AP

Horseed Media 2013

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!