Xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya waxbarashada, ganacsiga iyo saadaasha mustaqbalka fog (Sawiro)

Burburkii dawladeenii waxaa la burburay dhamaan adeegyadii bulshada.waxaa kamida meelaha dhaawucu garay waxbarashada dalka .waxaana gaaray dhawac ayasan ilaa hada sidiilarabay iyo si udhow uga soo kabsan ururo iyo dad sigaara isku xilqaamay danagaarana mideeyeen. ayaa melabadan oo dalka kamida kabilaabay inay soo celiyaan waxbarashadii aasaasiga ahayd wax lalaraftaba waxaa meela badan looga guulaystay in sanadobadan kadib ay dugsiyada sarre kasoo baxaan arday farabadan lakiin dalkii kuma oolin jamacado ama hadayjireena madaboolikarin takhakhusaadka ardadu ubaahantahay.

Xiligaas waxaa bilowday ardadii walidkood kabixin karay jamacado dalka dibadiisaa inloo boxo ayadoo faa iidada laga dhaxlay arinkaasi uu ahaa mid waxbadan kabadan khasaaraha kayimi .dalalka lagu hormaray waxay ahayeen dalalka carabta, lakiin sanadihii udanbeyay waxaa bilaamay dalal naga fog. sida dalka dhulweynaha shiinaha ardada somaliyed waxay kala kulmeen dalka shiinaha shacab iyo dawladba soodhaweyn wanaagsan ayadoo dadkaani yihin dad dhaqan wanaagsan waxay kabarteen maadooyinkii ay raben.ee ay kawaayen dalka ama dalalka noo dhow madooyinka ay kabartaan waxaa kamida.

Advertisements

A.Bachelor degree:
1.Medicine
2.Telecommunication Engineering
3.Mechanical Engineering
4.International Economics and Trade
5.Computer Science & Technology
6.Electronics Engineering
7.Chemical Engineering and Technology
8.Mechanical Design and Manufacturing and Automation
9.Aeronautical Engineering
10.Electrical Engineering and Automation.
11.Civil Engineering
12.Petroleum Engineering
13. chinese language

B.Master degree

1.Mechanical Engineering 2.Enterprises Management3.Computer application4.Machanical Engineering iyo madoyinkale hadaan kahadlo caqabada ay lakulmaan ardadu waxaan dhihi karaa ,majiraan ama waa yaryihiin hadaan ardaygu khalad cad la imaan oo uusan jabin sharuuc jamacadeed ama dalka iyo dadkiisa uyaal.ardada somaliyed waa kuwa lagajecelyahay jamacadaha ay dhigtaan taasoo ay keentay akhlaaqaadka wanaagsan ee diiniyan aan heysano.

Waxay taasi sumcad utahay dalka iyo dadka somaliyed barina waxay noqon doontaa mid usamaysa dalka saxibo badan ayadoo aan dhihi karo ardaykasta ama inta badan waxay udhaqmaa sidii danjir ilaalinaya dalkiisa kana gudbinaya sumcad wanaagsan.ayadoo aan filayo arday kasta oo somaliyed dunida meelkasta hakajoogoo inuu arinkaas kubaraarugsanyahay.

Qofka shisheeyahaa ee aan somalia tagin ama ha ahaado dalkaad tagtay mid udhashay ama mid sidaado kale marti ku ah wuxuu adiga kaa arko ayuu somali kusawirayaa samaan iyo xumaan.arinkaa waa mid taxadarkiisa mudan.

GANACSIGA SOMALIDA EE DALKA SHIINAHA:

Dadka somalidu waa umad aan loo tilmaamin meshii daruuri kahoorto markaas .waxayna sahanka ugu horeeya kutagaan meshii rooble ayagoo sidhakhsa iskugu shega.Dalka shiinuhu dhowr iyo tobankii sanee udanbeysay tariikhda dunida wuxuu ahaa dal ganacsigiisu kor usocdo lagana helay badeeco karaqiisan dalalkii kalee tartanka kula jiray waxaa kusoo jabay ganacsatadii dunida ayna lasocdaan kuwa somalidu.ganacsatada somaliyed waxay ka abuureen hanti wanaagsan allaha usiisiyaadiyee .ganacsatada somalidu waxaa kadhexeya iskaashi aad uwanaagsan waakuwa aad uga warqaba ardada waxaad arkasaa mararka qaarkood xaflado aan muhiimad weyn lahayn oo ardada somaliyeed kuqabsanaso jamacadahooda inay safar dheer usoo galaan ujeedkooduna waxa uu yahay sidii ay ardada ugu dhiirigalin lahaayeen waxbarashada iyo in aqoonta dalkii loolalaabto.

Ganacsigu waa yoolka koowaad ee dawlada shiinuhu ay kaleedahay dalalka qaarada afrika somaliduna waa ganacsatada ugu badan ee dal afrikaana katimi maan lakiin nasiib darada jirta taas dawlada shiinuhu uma oga somaliya sababtuna waa ganacsatada oo aan intooda badani aan wadan dalkugalka somaliya .ee wata dalkugal dalalkale.male ganacsatadu eedaas ee waxaa leh cidii dalkooda burburisay waxaana aaminsanahay hadii dhamaantood. ay wadan lahayen dalkugalka somalia inay somaliya noqon lahayd dalalka ugu horeeya ee aan shiinaha dinicisa laga marin.dawlada .waxaan so jeedinlahaa ninkii somalia oo kamaarma dalkugalshisheeye ha iska daayo si abaalkaagu uu unoqdo abaal somalia ee uusan unoqon .abaal kenya ama ethiopia .abaalkaaga afrikaankale haloo hayo waa xoog doofaar lagu eryay.
xiriirka soo jiraankaa ee kadhexeya

Shucuubta somalida iyo Shiinayska:

Siday taariikhdu wariso waxaa labada umadood kadhexeeyay xiriir qota dheerkaas oo intiisa badan ahaa dhanka ganacsiga waxaan kaxusikarnaa 1421-1422 in uu dhulkena yimid dhulmareenki islaamka ahaa ee udhashay gobolka yunnan ee shiinaha magaca :zheng he(郑和) magaca islamka:haji mohamed shamsudiin. wadadkaasi wuxu tagay muqdisho waxuu soo xiray xirir wanagsan wuxuu kasoo noqday somaliya asagoo wata hadiyad uu kamidyahay Gari .garigas oo kusawiran melkasta oo tariikhda shinaha lagu uruuriyo.ama ay yalan sawirada dadkii hore.

Xornimadii kadib 14December1960 ayaa dawladeena iyo tan shiinuhu kala saxiixdeen hashiisyo dhaxalgal noqday .somaliya waxay kutageertay shinaha cod muhiim u ahaa oo ayka rabtay fadhiga golaha loo dhanyahay ee Qaramada midoobay.kadib labada dowladow waxaa dhexmaray xiriir wanaagsan ayagoo casimadaha kala gaareen wafdiyo ay hogaminayen madaxsare kuwaso anu kaxusikarno safar uu beijing kuyimi AUN mahamed siyad bare14/5/ 1972.shiinuhu somalia wuxuu udhisay stadium muqdisho , wada laamiga hospital,IYO waxyalakale.

Xawladihii kumeelgaarka ahaa waxaa shinaha yimi AUN Abdulahi yusuf ahmed.waxay shina ubahantahay afrika afrika albaabkeeda ayada soo xigana waa somalia lakiin albabku muda dheerbuu xirnaa wuuna mirirsaday waxaa loobahanyahay in ladayactiro dowladuna xiriir wanaagsan ee lajaan qaadikara wacyiga ay latimaado shinaha iyo dunida danuhu nooga kalaxiranyhihiinba.ay meelkasta geyso cidii kuhaboon aana lagu geyn reer habal maqanacsanee safiir dalkaasa halasiiyo ee halagu diro ninkii dal loodirayo muxuu dalkaas nooga soo qabankaraa. aqoon intee le.eg ayuuse uleeyahay dalkaas.macaa hadaan dawladnimadena Qondada qabiilku wali kagudbin reerkaas dhexdiisa halaga raadsho nin howsha qaban kara.majecleyn inaan hadal siyasaded kuso khatimo mana ihi siyasi arday maskiinaan ahay lakiin waxaan jeclahay dalkeyga rajadayduna waa inaan arko asagoo hormaray.insha allah waan arkin.

Waxan katagay arima badan .ano sokobaya warbixinta hadad ku aragto wax aan sax ahayn waad isixi kartaa:
waa mahadsantihiin:
W/Q:Dr mahamed abdirahman ismacil
xaniin64@hotmail.com
ismacil114@gmail.com