Guddiga Amniga G/Nugaal oo ka hadley shirarka ururada siyaasadda ee Puntland

1 (1)

Waxaa maanta shir saxaafadeed ku qabtey magaalada Garoowe Guddoomiyaha Gobolka Nugaal kana mid ah  golaha dhexe ee ururka Horsed Cabdi Xirsi Cali (Qarjab).
Guddoomiayaha Gobolka Nugaal ayaa sheegey in ay khamiis kasta shir looga hadlaayo nabadgelyada qabsadaan, iyaga oo ah guddiga Nabadgelyada Nugaal.

Shirarka Ururada

Cabdi Xirsi Cali ayaa ururada Siyaasadeed ee shirarka ku qabsanaya magaalaada Garowe ugu baaqey in ay soo ogeysiiyaan Guddiga Nabadgelyada ee ka wada tirsan Xibsiga Horsed, si aan u sugno nabadgelyada shirka ay qabsanayaan, waxaan sugeynaa amnigooda waana Kontorooleynaa ayuu yiri Cabdi Xirsi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalmahan shirar gaar-gaar ah ay uraradu ku qabsanayaan caasimadda, shirarkaas gaar-gaarka ah waa in ay soo ogeysiiyaan Guddiga Amniga Nugaal ayuu yiri Qarjab, waana in ay la shaqeeyaan guddiga amniga.

Mar la weydiiyey nabadgelyada shirarka Xisbiyada ee ay sugayaan ayuu yiri, waa dagaalami karaan, buuq ayaa ka dhici kara iyo waxyaabo kale.

Dhegayso Warsaxaafadeedka

[powerpress: url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2013/02/qarjab.mp3″]

Qarjab ayaa sheegay in ay jiraan dad soo raacey ururadaas una yimid shirarka ay qabsanayaan kuwaas oo laga yaabo in ay magaalada u yimaadeen qas iyo khal-khal waana la soconaa waxaas oo dhan ayuu yiri, waxaan rabnaa in aan tallaabo ka qaadno kana feejignaano.

Qaar kamid ah madaxda ururada dhawaan looga dhawaaqey Puntland ayaa Horseed Media u sheegaya in ay la yaaban yihiin Guddiga Amniga ee Nugaal qaabka uu Urarada ula dhaqmaayo,  kuwaas oo mararka qaarkood caqabad ku noqda hawlaha ururada ayuu yiri, meeshaan waxaan dooneynaa in aan tartano waxaana Xisbiga Horsed noo isticmaalayaa wax kasta oo awood ah Guddiga Nabadgelyadu kuligood waa hal xisbi waxay donayaan in waxkasta oo aan wadno ay la socdaan taasina madaxbanaanida dhaq-dhaqaaqa iyo qabsashada shiraraka ayey ka soo horjeeda ayuu yiri isaga oo dooney in aanan magiciisa xigan.

Ururada Mucaaradka sheeganaya ayaan u bisleyn waxa mucaaarad la yiraahdo, waxaana adag in aad maqasho iyaga oo ka hadlaaya qaabka xukuumadda iyo xisbigeedu ula dhaqmaayo, iyo weliba sida loo isticmaalayo hantida dowladda.

Xiritaanka Wadddoyinka Luuq-luuqyada

Dhanka kale Magaalada Garoowe waxaa ka taagnaa maalmihii u danbeeyey qorshe Dowladda Hoose wadey kaas oo lagula dagaalamyo luuq-luuqayada, waxaana Dowladda Hoose xirtey qaar badan oo ka mid ah waddooyinka luuq-luuqyada ah ee xaafadaha la isaga gudbo, labada guri ee isku dhaw waxaa amar lagu siinayaa in ay wadaagaan derbi ay ku xirayaan luuq-luuqaas, haddii kale la ganaaxayo, waxaa arrimahan aad uga cawdey dadka da’da ah oo sheegaya in Garowe leedahay waddooyin dheer-dheer waxa la isaga gudbaana ay tahay luuq-luuqaydas isla amrkaana ay ku qaadato waqti dheer inta ay ka soo wareegayaan waddo kale, arrintan ayaa la sheegay in ay tahay mid amniga lagu xoojinayo.

Horseed Media
Garowe, Puntland, Somaliya

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.