Fadeexadii Hilibka Fardaha ee Yurub

Findus+products

Hilibka Lo’ada ayaa la sheegay in kadib markii la baaray laga helay in badan oo kamid ah aysan ahayn lo’a balse hilibkaasi dadka laga gaday uu ahaa hilibka Fardaha. Hilibkan oo horey warshado loo soo mariyey ayaa lagu dhajiyey astaamaha hilibka lo’ada iyadoo hilibkaasi uu yahay fardaha.

Dowlada Ingiriiska oo arrintan baaritaan ku sameysay ayaa sheegtay in falkan uusan ahayn mid si khalad ah ku dhacay, balse uu yahay mid si bareer ah dadka loogu khiyaamayey in laga gado hilibkaasi fardadaha.

Arrintan waxaa usii dheer iyadoo la xaqiijiyey in Hilibka fardaha lagu daro Daawooyin khatar ku aha caafimaadka dadka, middaasi oo sare usii kicisay cabsida dadka ka adeegtada hilibka dukaamada waaweyn ee Supermarketyada dalka Ingiriiska.

Qaar kamid ah dukaamada ayaa sheegay in maxkamad la fuuli doonaan oo dacwooyin kusoo oogi doonaan shirkadaha ka gada Hilibka, oo qaarkood la sheegay in fadhigoodu yahay dalka Romania.

Dowlada Romania waxay sheegtay in dhinaceeda baaritaan bilaabi doonto oo ay dabagal ku sameyn doonto shirkadaha hilibka warshadeeda ee dalkaasi xarumaha kuleh.

Dukaanka ALDI oo kamid ah dukaamada ugu waaweyn ee laga adeegto ayaa gebi ahaan daadiyey hilib badan oo laga gaday kadib markii la xaqiijiyey in hilibkaasi uu ahaa mid la isku daray hilibka lo’ada iyo fardaha.

Hay’ada UK u qaabilsan arrimaha baaritaanka cuntada ee Food Standards Agency (FSA) ayaa lagu wadaa in Jimcaha soo socda ay shaaciso natiijada baaritaan baaxadleh oo ay ku wadaan hilibka lagu gado dukaamada dalkaasi Ingiriiska.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.