Jaaliyadda Puntland ee dalka Finland oo tacsi udireysa Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

Inaanlilaahi waa inaa ileyhi raajicuun!

Jaaliyada Puntland ee kunool dalka Finland ayaa tacsi tiiraanyo leh udireysa dhamaan qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed oo ka kooban culimada, ganacsatada iyo hogaamiyaasha dhaqanka, gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Sheekh C/qaadir oo gacan ka xaq daran ey ku dishay magaalada Garoowe 15.2.2013.

Waxaan Sheekh C/qaadir Ilaahay uga baryeynaa inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo qabrigiisana Allah u nuuriyo, asxabtiisa, ehelkiisa iyo qoyskiina samir iyo iimaan Allah ka wada siiyo. Aamiin!

Waxaan dhaleeceyneynaa kuwii ka danbeeyay falkaas foosha xun iyo kuwa ka horeeyay oo la mid ah sidii falkii lagu dilay Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan, waxaan leenahay fitnada iyo dhibka ku haysaan shacabka soomaaliyeed Allah idinka qabto, waxaana mutaysen doonta ciqaabta Alle if iyo aakhiro.

Waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka iyo maamulka Puntland iney xil iska saaraan sidii dhacdooyinkan looga tashan lahaa maadaama ey masuuliyad saaran tahay maamulka iney badbaadiyaan oo dhowraan dadka birmageydada ah oo umada indhahooda ah. Waxaan dowladda Puntland ugu baaqeynaa iney guddi ka kooban qeybaha kala duwan bulshada loo bixiyo dhacdadaan, culimada waaweyn iyo dadka indhaha bulshada u ahna amaankooda laga taxadiro.

Wabilaahi towfiiq
Jaaliyada Puntland ee dalka Finland

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.