Jawaab: Ictisaamku ma u baahanyihiin iney dib u eegis ku sameeyaan?

Marka hore waxaan Allaah uga baryayaa naxariis iyo in uu ku waaro jannada firdowsa sheekheenii Sh.C/qaadir Nuur Faarax, sidoo kale waxaan tacsi mug leh u dirayaa guud ahaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan eheladii sheekha oo ay ugu horreeyaan xaaskiisii iyo carruurtiisa lab iyo dhadigba.

Mar labaad waxaan naftayda, asxaabta, ehelada shiikha iyo ummadda soomaaliyeedba u dardaarmayaa samir iyo adkaysi, waayo jaangooyadda Allaah cidina ma dhaafi karto, shiikhuna Allaha u naxariistee wuxuu soo noolaa waayo badan oo uu waliba ku soo dhamaystay khayr iyo halgan diimeed oo ku qotomay cilmi, xikmad iyo waayo aragnimo aad u xeel dheer.

Firxad baa adduunkii ka haray, amase foognaane.
Fiid iyo dharaar nool dareen, fool leh baa imane.
Wuxuu fali la moog haatan, waa fooraraa waliye.
Farsamada rabbaw waliya, oo fuliya xaal noole.
Ninba faraqa waxaa haysta, tii waa fog loo qoraye.
Faral dhacaya weeyaan wuxuu, fali ilaaheene.

Haddaan intaa uga baxo tacsi iyo samirsiin, waxaan aad ula yaabay maqaal aan ka akhriyay qaar ka mid ah mareegaha soomaalidu wax ku qoraan, kaas oo loogu magac daray Ictisaamku ma u baahanyihiin in ay dib u eegis ku sameeyaan manhajkooda?.

Qoraagu wuxuu qaab is le’eg ah isu barbar dhigay Ictisaamka iyo Shabaabka, asagoo is le’egtiisa ku soo gabagabeeyay in labada qolo isku aragti ka yihiin xagga manhajka iyo dariiqa lagu gaarayo waxa ay hiigsanayaan.

Qoraagu wuxuu ku bilaabay in labada qolo ay ka simanyihiin qaabka loo baadi goobayo khalaafadii muslimiintu ay waayo badan ku soo caano maaleen laakiin muddo hadda la la’aa, asagoo yiri waxay labada qolo wada qabaan in dawladnimada lagu raadsho Jihaad, ciddii ka hortimaaddana xoog looga leexiyo dariiqa.

Waxaad mooddaa in qoraagu labo uu mid yahay, in uu yahay nin aan aad ugu warhayn manhajka Ictisaamka iyo kan Shabaabkaba iyo in uu yahay nin is yeel yeelaya oo arrintiisu tahay baroortu orgiga ka wayn, waayo haddii uu akhrin lahaa manhajka Ictisaamka ama uu aqoon u lahaan lahaa, wuxuu ogaan lahaa in xaqiiqadu ka duwantahay sida qoraagu uu qormadiisa ku qoray, waxaan haddaba leeyahay haddaad rabtid inaad ogaatid qabka labada qolo soo akhri manhajyadooda.

Waxaad kale oo aad ogaataa in Jihaadku yahay cibaado gaar ah oo Allaah jideeyay, uuna leeyahay xilligiisa, shuruudiisa iyo axkaamtiisaba, haddii kuwo muslim ahi qaab khaldan u isticmaalaan ama ay qaar aan muslim ahayni ka dhigaan dambi mar walba sharci,waayo Jihaadku qur’aanka iyo sunnahaba waa ku qoranyahay, tan kale waxaad ogaataa dawlad walba iyo ummad waliba waa lagama maarmaan inay awood yeeshaan si ay u ilaaliyaan jiritaankooda, waana sababta adduunku isugu cirbinaayo samaysashada hub casri ah iyo kan wax gumaadaba.

Dawlad caaqibadeedu waa inay carradeeda
Camiraad ku waddaa caawintaa dadkeeda oo
Cadli ay ku dhaqdaa ninkii caasi garoobana
Ay ciqaabi kartaa haddayse caajis ahaatoo
Caal waa ay noqoto dadka kii caqliggaab iyo
In carruuri ku dheesho oo cadawgeed ku farxa iyo Casilaad u dhawaa.

Haddaba Ictisaamka ayaa qaba dawladnimada Jihaad kaliya ayaa lagu gaarayaa waa wax aan sal iyo raad midna lahayn, waayo waxaa u qoran sida ku cad kutubta ka warranta siyaasadda sharciga ah ee ahlu sunnuhu ay horay u qoreen, akhriste walbana wuxuu ii markhaati kici doonaa markuu akhriyo manhajka Ictisaamka.

Wuxuu kale oo uu mar labaad sheegay in labada qolo ay wada rumaysanyihiin in dastuurrada dawladaha casriga ah iyo gargaarsashada cid aan Allaah ahayn (Al-istiqaasah) in ay yihiin wax lagu gaaloobo, markaas ayuu yiri waxa ay ka qabaan dadka saas yeela ma loo cudurdaarayaa haddii la helo wax loogu cudurdaari karo iyo haddii kale kama hadlayo, waayo wax macna ah ma leh ayuu yiri.

Waa yaabe qoraagu ma shareecaduusan aqoon mise waa kiis iska waal, waayo waa arrin sharci ah in la kala duwo xukunka ficilka iyo kan ficilka sameeyay, wax badan bay shareecadeenu ku sheegtay gaalnimo laakiin cid walba oo waxaas gaalnimada ah samaysaa ma gaaloobayso ee waxay u baahantahay in dadka ahlul cilmiga ahi ay ka arrimiyaan, haddaba haddii labada qolo qolona qabto sida aan sheegay qolona cid walba ay gaalaysiinayaan, isla markaasna nin walba uu xukunka isagu ridayo xaggee ayay isku manhaj ka noqdeen.

Tan kale qoraagu ma wuxuu qabaa in dastuurka khilaafsan shareecada oo lagu dhaqmo iyo in cidwalba la waydiisto wixii Allaah kaliya uu awooday ay bannaan tahay mise xaalku waa sidii abwaanku yiri.

Maan gaabkiyo ways hayaan, kii mufti ahaaye.
Ardadaa mujaadalo la gali, macalinkeediiye.
Midkii dhawr mas’alo soo bartaan, maaro loo heline.
Makaskiyo intii caamo ay, madax wareershaane.
Hadba xaal muraad lagu wataa, layna maqashiine.
Waana waxaan Minhaajkiyo Tuxfaha, meelna kaga oole.

Waxaa kale oo uu qoraagu yiri, waxay labada qolo manhajka ka wada qaateen kutubta Sh.Max’ed C/wahaab, Sayid qudub iyo Abu-aclaa Al-mawduuddi Allaah ha u wada naxariistee, sidaa darted xagga aragtida labada qolo waa isku jaal.

Markaa ayuu wuxuu yiri dadkii la khaarijiyay iyo Sh.C/qaadirba waxaa lagu dilay manhajka labada qolo ay wada aaminsanyihiin, marka maxay Ictisaamku ku hadlayaan haddii manhajkoodii lagu fuliyay, yaab!.

Waa dhab in Culimada kor ku xusan kutubtooda la akhriyo, waana mudanyihiin in la akhriyo lagana qaato wixii sax ah wixii khaldanna laga tago oo loo sheego bulshada cilmiga ku hawlan, waxaase waxba kama jiraan ah in Ictisaamku kutubta wadaaddaaas kaliya ay akhristaan, waliba haddaad akhridid manhajkooda waxaa la arkaa inaadan ku arkin tixraaca kutubta laga soo guuriyay manhajkooda, iskaba daa taase waxaa u qoran in ay rumaysan yihiin qabsashada kitaabka iyo sunnada loona fahmo sida ay u fahmeen culimadii salafku (Culimadii noolay sadexdii qarni ee Nabigu SCW uu amaanay).

Waa meesha aan iska iri ninkaan iyo qaar kale oo iyana qormooyin aad mooddo maadays iyo ku digasho ay soo qoraan, malaha waa nacayb iyo xumaan ay haysan kari waayeen, runtii ma aanan jeclayn in aan qormooyinka noocaas ah ka jawaabo laakiin waxaa aad ii xanuujisay in culimadii u taagnayd in ay hor istaagaan wax alla wixii khilaafsan dariiqa saxda ah iyo cid walba oo ka leexata tubta toosan in ay u huraan naftooda si aan ummaddu u halligmin adduun iyo aakhiraba ee haddana loo dilay in ay toosnaanta ilaaliyaan in lagu wiirsado oo inta la yiraahdo Allaha u naxariisto haddana la yiraahdo hadal u eg bagah, waxaan soo xasuustay tixdii ahayd.

Hilowgaad ka garataa intaad, hilib wadaagtaane.
Dad ninkaan hannaankii kalgacal, heedhe kala wayno.
Aanaan heshiin Karin inaan, ka haro saw maaha.

Ugu dambayn waxaa dhab ah in labada qolo ee qoraagu isku khasbayo ay yihiin kaaf iyo kala dheeri, sidoo kale waxaa hubaal ah in aadanuhu mar walba u baahanyahay dib u eegis iyo isa sixid, waana sababta shareecadeenu inoo amartay in la tawbad keeno, laakiin waxaa ceeb ah in dadka laga been sheego, oo lagu sheego wax aysan qabin waliba iyagoo leh manhaj qoran oo qofwalbaa akhriyi karo.

Waxaanse leeyahay qof walba wuxuu hadlaa garaadkii, waxaadse mooddaa in waayadaan dambe la caadaystay in Culimada nolol iyo geeriba aan la badbaadin, taas oo ah gaboodfal, waxaa kale oo badan in masalooyin cilmi ku qotoma layska indhamaro oo waliba lagu galda’o.

Ragga qaar daliillada sharciga, waa dacniyayaane.
Intii daallimiinoo ku wacan, duminta khayraadka.
Inkastay dad kiiska horwadaan, oo la daba joogo.
In ceebtoodu daahiri dhakhsaa, iga dawaynaysa.

Waxaan rabaa in akhristayaashu bal u dhugyeeshaan, maxaa cilimada la dilay loo dilay, maxaa looga waayay kuwa ku soo tinaagooda mareegaha wax lagu qoro cid manhajka Ahlu-sunnaha difaacda, maxaa mareegaha qaarkood loogu caayaa Culimada waawayn ee hadda qaybtood la dilay, maxaase kuwii shalay caayayay ay haddana marka la dilo u yiraahdaa Allaha u naxariisto sheikh wayn buu ahaa iyo hadalo la mid ah oo haddana loogu soo gabagabeeyaa hadal u eg in ay dilka mutaysteen, waa wax aan is qabanayn oo la yaab leh mise waa.

Niman bay canaantay oo haddana, ii calaalayay.
Ceeb baa la ii faafiyoo haddana, la ima caayaynin.
Hadalkaa calaamada leh waad, la cajabaysaaye.
Caynkaana waxaa iigu wacan, ciilka aan qaboe.
Akhyaarey maanta halkaa haynoo joogto.

Qore: Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur.
fuadaflow@gmail.com

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!