Dadka Jabuuti oo dooranaya Xildhibaano cusub

Doorashada Jabuuti

Gabar Jabuutiyaan ah oo codkiida dhiibanaysa / Getty Images

Dalka Jabuuti ayaa maanta looga dareeray goobaha cidbixinta, waxaana dadku dooranayaan 65 Xildhibaan ee golaha sharci-dejinta ee dalkaas.

Doorashada waxaa ka qaybqaadanaya Saddex Xisbi oo laba kamid ah ay yihiin Mucaaradka halka kan kale yahay Xisbiga talada haya ee aan 10-kiis ano ee la soo dhaafey lagula tartamin Golaha Sharci Dejinta Jabuuti.

UMP oo ah xisbiga talada haya ee uu hoggaamiyo Ismaaciil Geele
USN oo uu hoggaamiyo siyaasi mucaarad ah oo dhawaan ku soo laabtey Jabuuti Daahir Axmed Faarax
CDU oo ah xisbi cusub oo mucaarad ah waxaana hoggaamiya Cumar Cilmi Kheyrre

Qiyaastii laba boqol oo kun oo qof oo Jabuutiyaan ah ayaa doorashada ka qaybqaadanaya, waxaana ay ka codeynayaan 500 oo goobood oo la dhigey sanaadiikhda waraaqaha codadka lagu rido kuwasoo kala bar kamid ah la dhigey caasimadda dalka Jabuuti ee Jabuuti.

Doorashadan ayaa Xisbiyada Mucaaradka u oggolaaneysa markii u horeysey muddo 10 sano ah in ay u tartamaan baarlamaanka. Waxaana qaar kamid ah Mcuaaradku wel-wel ka qabaan in doorashadu noqoto mid xornimo iyo xalaal-miirad u dhacda.

Waxaa doorashada ka qaybqaadanaya kor-joogayaal caalami ah oo ka socda dalalka reer Galbeedka iyo Midowga Africa.

Dalka Jabuuti oo ah dal aad u yar kuna yaala Badda cas, waxaa xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiin madax-banaan ku eedaynayaan Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cuamr Geele in uu u xuub-siibtey keli-talisnimo, kadib markii dastuurka dalka uu wax ka beddalay si mar saddexaad loogu doorto xafiiska.

Madaxweyne Ismaaciil Cuamr Gheele ayaa durba ku eedeeyey xibsiyada mucaaradka ah in ay yihiin qas-wadayaal aan talada dalka lagu aamini karin, waxaana todobaadyo ka hor xabsiyada loo direy qaar kamid ah hoggaamiyaasha mucaaradka.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.