Dowlada Botswana oo 28 Somali ah u qabatay falal Argagaxisnimo

BotswanaTerrorCrackIMG

Magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi Botswana Francistown ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa kusoo badanayey Ganacsiga Gaadiidka oo ay leeyihiin dadka Soomaalida ah, arrintan oo si weyn shaki ugu abuurtay dowlada Botswana oo amar ku bixisay in baaritaan lagu sameeyo.

Advertisements

Dowlada Botswana ayaa walaac ka qabtay in ganacsiga sida xawliga ah uga bilowday dalkaasi oo ay ka danbeeyaan Soomaalida si weyn looga shaki qabo inay ku jirto lacagaha burcadbadeeda iyo waliba dhaqaalaha lagu taageero kooxda Al Shabaab.

Booliiska ayaa sheegay in qaar kamid ah dadka la qabtay iyaga afkooda ka qirteen inay xiriiro la leeyihiin kooxda Al Shabaab, halka inta badan dadka la qabtay aan lagu heyn cadeyno waaweyn, balse waxaa la sheegay inay qeyb ka yihiin mukhalasiinta dalkaasi keena dadka qaxootiga ah ee kasoo baxay dalalka Kenya iyo Somaliya.

Dadka ay xireen ciidamada Botsawana ayaa qaarkood laga qabtay xerada Qaxootiga ee Dukwi, halka inta kale laga soo qabtay deegaanka Block 1 oo loo yaqaan goobaha ay dhawaan Soomaalida ka furteen Garaashyo iyo goobo lagu iibiyo gaadiidka.

Horseed Media 2013