Qaramada Midoobay oo diiday inay magdhow siiyaan ehelada dadkii Daacuunka Haiti ku dhintay

haitiUN1

Daacuunkii ka dilaacay Haiti sanadkii 2010 ayaa la xaqiijiyey inuu ka bilowdya askarta ciidamada Qaramada Midoobay oo wabiga ay dadku isticmaalaan ku shubay qashinka xeryahooda ciidamada.

Shacabka dalkaasi Haiti oo xiligaasi burbur xoogan kasoo gaaray dhulgariirkii ka dhacay dalkaasi ayaa adeegsan jiray  biyaha wabiga dalkaasi mara oo la sheegay inuu ahaa mid wasakhaysan. Daacuunkii halkaasi ka dilaacay ayaa si baaxadleh ugu baahay dalkaasi Haiti oo xiligaasi 16kii qof hal meel ku nool uu ku dhacay 1 qof cudurka daacuunka.

Khubaradii loo diray inay soo baaraan eedaynta shacabka ee ku socota Ciidamada Qaramada Midoobay ee kasoo jeeda dalka Nepal oo iyagu xeradooda ciidamada kutaalay daanta Wabiga ay shacabka isticmaali jireen, waxaana la sheegay in ay wabigaasi qashin badan ku shubi jireen.

Qareenada matalaya dadka ku dhintay daacuunka iyo 635.000 qof ee ku dhacay cudurkaasi ayaa ka cosaday Qaramada Midoobay inay bixiyaan magdhow boqolaal malaayiin dollar gaaray.

Hase yeeshee Qaramada Midoobay ayaa hada shaacisay inaysan bixin doonin magdhaw dadkaasi lasiiyo maadaama ciidamada Qaramada Midoobay ay yihiin kuwo leh xasaanad diblumaasiyadeed oo aan lagu soo oogi karin wax dacwad ah.

Arrintan ayaa si weyn uga careysiisay shacabka dalka Haiti oo hada sheegay inay si weyn uga soo horjeesan doonaan sii joogida ciidamada Qaramada Midoobay ee dalkaasi.

Horseed Media 2013

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.