Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Minneapolis, USA

Major Freeway Bridge Collapses In Minneapolis During Rush HourWaxaa subaxnimadii hore ee maalintii Jimcaha magaalada Minneapolis lagu dilay wiil soomaali ah kadib markii ay kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigii ay saarnaayeen.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdicasiis Yusuf Jaamac oo gaariga saarnaa halka darawelkii gaarigaasi uu soo gaaray dhaawac culus, meydka iyo dhaawaca ayaa la dhigay isbitaalka HCMC ee magaalada Minneapolis.

Booliiska ayaa sheegay inaysan jirin cid weli loo qabtay weerarkan oo subaxnimadii Jimcaha saacadu markay ahayd 1.45am ka dhacay meel u dhaxeysa wadooyinka 15th Street iyo Chicago Avenue South.

Booliiska ayaa sheegay inay shacabka ka codsanayaan inay hadii ay wax xog hayaan lasoo xariiraan si gacanta loogu soo dhigo dadkii falkan geystay.

Horseed Media 2013

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!