Kulankii Musharixiinta Puntland iyo Madaxweynaha miyaa fashil lagu tilmaami karaa?

musharixiintaDoorashadii Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa maalmo kooban ayaa ka harsan, Xildhibaanadii dooran lahaa waa la isku haystaa, cidii kala saari lahayd waa la isku haystaa, Isimadii marjaca ahaana hadda ayey soo baraarugayaan, uma baqaayo Punt land oo way ka boodi bohol la moodka horyaal.

Maalintii shalay shir la yaableh ayaa ka dhacay Garowe, Shirka baaqiisa Musharixiinta ayaa iska lahaa, inkasta oo madal iyo muddeyn uu Madaxweyne Faroole ku khilaafey isaga oo saxaya Istraatiijiyadiisa, ayey haddana Musharixiintu ka aqbaleen madal iyo muddo cusub, waxaana ay ugu tageen aqalka Puntland looga taliyo ee tartanka loogu jiro in nin walbaaba uu noqdo xafiiskiisi.

Ku dhawaad 20 Musharax oo saddex Madaxweyne kuxigeen u sharaxan tahay inta kalena Madaxweyne doonayso ayaa shirku u furmey, Musharixiinta waxaa la fariisyey madal qurxoon weylaalisna waa loo gogley, Madaxweynaha xiligiisu gabaabsiga yahay dhexdana u giijistey in uu ku dul gaboobo kursiga ayaa soo galay, Salaan loo wada istaag raggu iskuma jiraan, kuwo saaxiib iyo wedaay ayaa muddo la soo wada ahaa, jaal dhaw oo soo wada shaqeeyey ayaa la ahaa, waxaad moodaa si ka duwan kuwa aan is aqoon in la isu marxabeeyey, iyada oo muddo hawada dabaylo dhaleecayn ah la isu marin jirey, xitaa in magaca qofka la magaayo la sheego ayaa ahayd malaha DENBI, Ku, Kuwo, Mid, Nin ayaa ahaa magacyada la isugu yeeri jirey “Magac u yaal” shalyse kulankii waxaa ii muuqatey oraahdii abwaankii ka faaloodey gabdhii iyo wiilka muddo sheeda iska jeclaa markii midkasta hadley wiilkii ka yaabey heerka xaraaradda gabadhu uu maraayo oo yidhi:

Ninba waayihiisaa
Ileyn meel kuwaaboo
Weynu kala fogaanee
Waaba iga darneyd shoow

Shirkii Jabuuti lagu qabtey 1991 ee Soomaalida loo qabtey, ayaa siyaasiyiintii ka soo qaybgelysey ahaayeen kuwo jabhado dagaalo ku jira ah, dhiiga ayaa qubanaayey, waxaa la diyaariyey ciidamo badan oo boolis ah si loo kala ilaaliyo kuwa dibinta qaniinsan, laakiin waxaa la yaabey markii ay shafka isa saareen dhunkashana isku bilaabeen, wixii shirkaas ka danbeeyey hal Hotel ayaa la isugu geyn jirey qolka shirkana tarjubaano shisheeye ayaa u dhexeyn jirey, waa waxa Soomaali ilaa maanta danteeda u garan la’dahay.

Siyaasiyiintan damacu ku jiro ee Puntland ka duwan kuwaas waa rag raas ka soo wada jeeda danwadaag ah, ishaa lagu hayaa taariikhna waa qormeysaa, inkasta oo ay is khilaafsan yihiin haddana ma jirin cid u dhex ahayd, Musharixiinta ayey ahaayeen kuwii ku baaqey shirka, Musharixiinta ayey ahaayeen kuwii ka tanaasuley madashii ay qabteen, Musharixiinta ayey ahayd kuwii go’aansadey in meelkasta oo uu qabsado madaxweynhu ay ugu tagaan, iyagaa gartey in ay danta Puntland ka wada hadlaan. Shirka kadib cinwaanada mareegaha Soomaalida oo dhan wuxuu ahaa “Shirkii Musharixiinta iyo Madaxweynaha oo fashilmey”, aniguse dood baan ka qabaa, shirkuna ma fashilmin, waa guul in ay wada hadlaan, waa guul in ay xurgufaha ka dhexeeya meel iska dhigaan, waa guul in shirkaas kadib ay sheegaan in albaabadu furan yihiin danta Puntland ay ka wada shaqeynayaan.

Kuwa siyaasadda ku eega Indhaha Quraanjadu leedahay waxay sheegayaan in shirka lagu kala kacay uu ahaa mid cidkasta ay dooneyso Istraatiijiyad ay ku dagaal gasho maalmo kadib meesha uga soo baxdo.

Musharixiintu waxay inoo sheegeen in ay afar qodob u geeyeen Madaxweynaha, waxayse sheegeen in kii u weynaa la isla dhaafi waayey oo uu diidey, wax uu ka yeelay inooma aysan sheegin.

Madaxwene Cabdiraxmaan Faroole wuxuu sheegey in afar qodob loo keenay, hal qodob oo muhim ahna uu ku daray kaas oo ah in xeerka ay ku shaqeynayaan guddigu ansixinta iyo kan doorashooyinka la dejiyo lana wada saxiixo, Saddex qodob iyo kaan anagu keeney waan aqbaley, midse waan diidey oo raggii hore kama duwani 4 jeer ayaa la magacaabey guddigan anna xaq baan u lee yahay ayuu istaagey, waxaase odayga la soo marin waayey kii u danbeeyey raggii uu hoggaaminaayey wixii ay dhigeen iyo wixii lagu dhameeyey.

Marka arrimahan la isu geeyo waxa kuu soo baxaya in maalmaha dhaw iyo saacadaha soo socda hal dariiq la wada maraayo isla markaana laga gudbaayo caqabadaha jira.

Musharixiinta Istraatiijayadooda ayaa ah in marka hore wada hadalka ay muddo ku baaqayeen uu furmo oo albaab furan uu noqdo, waxaa kale oo ay arkaan in Madaxweyne Faroole la yaqaan sooyaalkiisa siyaasadeed tan iyo waagii uu Bangaariga ahaa in uu yahay nin meel ku dhega, Xilalkii uu soo qabteyna midna aanu wareejin ee inta badan laga qaadey, tanaasulka uu sameeyey waa mid ay dareensanaayeen in uu samaynaayo, laakiin haddii ay sidaas ku qaataan waxay noqoneysaa waxkasta oo xumaada shirkaas kadib in aysan jirin cid dhex u ah, waana halka ay dhici karto in ay kubadda ag dhigayeen ciddii iska lahayd si loo helo markasta oo wax xumaadaan dabar iyo seeto xiri karta Madaxweyne Faroole.

Arrinta Qadada laga dareeray

Waxaa si weyn loo hadal hayaa Qadadii musharixiintu diideen isla markaana ay ka soo dareereen, Faroole wuxuu ku tilmaamey wixii laga gabyi jirey in ay tahay, haddii malaha odayga Gabay ku jiri lahaa waa ku siideyn lahaa, waxbana ulama hareen xitaa “Godka lagu cadaabooyinoow” waa dhihi lahaa sida gabaygii loo tiriyey Ducaale Qariis oo isaga oo Cayn jooga ku riyoodey in uu diley Sayid Maxamed kadib markii uu hooto ku ganay, yirina:

Hootadaan Goldheer iyo ka riday Xanamo guudkooda (Gobolka Cayn)
Waxay sii gag laysaba haday godobyo Eyl gartey
Wadaadkii sidee uga gabaday waa gol madhankiiye?

Sayid Maxamed oo la yaaban ninka isaga ooC ayn jooga Eyl hootada ugu keenay ayaa yiri:

Ninka yiri waxbaan gani anoo Gol iyo Cayn jooga
Ee yiri baddii Garacad baan gudub u waydaarin
Godka lagu cadaabyoow maxuu go’uhu been sheegay.

Musahrixiintu wada hadal ayey ka codsadeen Madaxweynaha, maalin iyo madalba waa siiyeen (14.12.2013 iyo xarunta PDRC) Madaxweynuhu waa ka diidey, waxay qaateen tiisii waxaana uu ku darsadey Qado sharaf, raggu heshiis weli maaha, Waxaa qoyan hadalkii ahaa “Godka lagu cadaabyoow muxuu go’uhu been sheegey, oo Madaxweynuhu dadka markhaanti gashtey Cabdiweli in uu beenaale yahay, waxaa qoyan hadalkii Ilaalo Burcadbadeed ah ninka wata, oo iyada oo Dangoroyo loo fadhitye xalinteedi uu hadalkaas ka dabageeyey kadib markii Musharaxa laga ceshey Garoowe, Waxaa qoyan hadalo badan oo deelqaaf ah oo aan laga garnaqsan, Madaxweynhuna raali gelin ka bixin, waa la is hayaa waxaana la Qadeeyaa markii la heshiiyo waxaa Soomaali tiraahdaa Markii Ceelalyo heshiiso ayaa geeluna cabbaa, Qadadu waxay ahayd in wada hadalka ka horeyso oo iyada oo la dhergey la wada fariisto, laakiin rag siyaasad isku haya saacadduna dul taagan tahay qado sharafeed ma wada cuni karaan iyaga oo aan xal gaarin, Dr.Faroole waa ogaa in sidaas ay yeelayaan waxase uu lahaa bal halagu fooriyo hana loo gabyo odayada, waxaase muuqata in qofba si u arkey. Dadka qaarkiis ayaa leh Islaanimo maaha, oo walaalkaa haddii uu kuu yeero ajiib, Xeer Daarood maaha, waxaa la gudbooneyd in ay markii horeba meesha ka saaraan hilbaha miiska looga yaacey ee askartu ka dibirtey.

Xagee giraantu u dhaqaaqi doontaa?

Kubaddii way ka soo wareegtey Madaxweynaha iyo Msuahrixiinta, waxaana ay hadda la taalaa Isimmada, inkasta oo Nick Kay oo isagana Garowe horey cimmaamad loogu siiyey uu dhankiisa soo dirsadey ergo wax ka ogaata hawsha, isaguna eeganayo fursad uu ku dhexgalo mahala, laakiin dhaqanka looga bartey reer Puntland Nick Kay meel ugama banaana, waxaana dhismaaya buundadii u dhexayn lahayd Musharixiinta, Waxaa soo dhaweyn leh shirkii nabadoonada Gobolka Nugaal ay maanta ku yeesheen Garoowe ee ay hoosta ka xariiqeen cidda leh go’aanka u danbeeya, waxaana dadku ku kalsoon yahay in laga gudbaayo caqabaddan, waxaana duuduub loo dhihi karaa kulankii ma fashilmin bilow wanaagsan iyo is kululeyn ayuu ahaa, albaabkii Faroole xirtey sanad ka hor ee ay ku qorneyd cidna loo joojin maayo waa la jebshey.

Hussein Farah
Horseed Media

Facebook Commnets Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.