Doorashada Puntland: “Rag baa ka taliyay, Rabbina waa aqbalay” – Maqaal

plelections2014
W/Q: Aisha Ahmed Hussein (A.Geesdiir).
Email Contact  Caasho61@gmail.com

Mahad oo dhan “ALLE  SWT” ayey u sugnaatay.

Marka la soo qaado dhulka Uduga “Puntland” Iyo Marxaladihii uu soo maray, waxaa taariikhda gayigaas aad loogu yaqaanaa, oo welibana si fiican loogu xasuustaa doorashooyin taariikhi ah iyo nidaamyo isu badala si xor ah kuwaasoo doorashadii afraad oo madaxtinimo ay imika fooda nagu soo hayso, waxaan hubaa dad badani inay walaac ka qabaan ama ay aad isha ugu hayaan doorashada soo socota, laakiinse walaacaas waxaa igala wayn taariikhda Puntland Iyo sidii loo maaranjiray Doorashooyinkii hore.

Inta aanan ku dheeraan Doorashada soo socota ee Puntland Bal aan wax yar eegno Hogaamiyaha aanu u baahanahay inaanu doorano iyo shaqooyinka horyaala dadka Puntland kahor ama kadib doorashada.

Astaamaha Hogaamiyaasha wanaagsan:-

Culimada ku xeelka dheer Cilmi-nafsiga bulshada aadamiga ah, waxay xaqiijiyeen oo farta ku wada fiiqeen ;” Ahmiyadda Hoggaaminta iyo kaalinta ay ku leedahay dhismaha iyo horumarka bulshooyinka kala geddisan”.  Waxay Culimmadu caddeeyeen ; Inuu Madaxweynuhu ama Hoggaamiyuhu saldhig u yahay ; isku-duubnida iyo wadajirka qaybaha bulshada uu hoggaaminayo, degganaanshaheeda, gaarida ujeeddooyinkeeda, ku-dhaqanka Afkaarteeda iyo gudashada hawlaheedaba.

Hawlaha hor-yaal ee laga rabo inuu guto Hoggaamiyuhu, waxay ku xiran tahay ; hadba nooca bulshada ee uu hoggaankeeda hayo iyo waddada siyaasadeed ee ay ku taagan tahay. Hoggaamiyayaasha kala geddisan ee bulshooyinka dimuqraadiga ah, tan Diktatuuriyadda (kali-talis) iyo kuwa ku sugan qaababka jaha-wareerka, qaska iyo kala-dambayn la’aanta, way kala duduwan yihiin, maxaa yeelay ; isku nidaam, hab iyo xeer midna ma laha saddexdoodu.

“Rag baa ka taliyay, Rabbina waa aqbalay”   Waa hal ku dhig dhaxal gal u ah Marxalada maanta ay ku jirto xaalada siyaasadeed ee Puntland, Dhul-Udug waa dhul ay maamulkiisa iyo masiirkiisa ka taliyaan dad wada dhashay ahna ehel, qaraabo iyo Xigaal, Quud iyo Qaaraana wada qaybsada, Hiil iyo Hoona ka dhexeeyo.

Sooyaalka Taariikheed ee puntland marka loo eego Helida maamul loo dhan yahay oo mideeyey maamul deegaaneedka ka jira Gobalada waqooyi bari waa mid hanaqaadkeeda ay dadaal dheer u galeen Halyeeyo reer puntland ah iyo Gogaamiyayaal dhaqameedyo markay arkeen burburka iyo  masiibada sameeysay ummadda soomaaliyeed, waxayna maalinba maalinta ka danbaysa diirada ku saari jireen sidii loo abuuri lahaa maamul rasmi ah oo jiilba jiil ka dhaxlo wana nasiibka aan kaga duwanahay walalaheena soomaaliyeed waayo “Nabad baa Naas la nuugo leh” Punland (Dhul-Udug waa Muqadas  inay ka dhacaan doorashooyin aan Cabsi lahayn iyo Cadaalad daro.  Hadii rabi raali kanoqdo, Umaddeduna kudaddalaan.

Waxaa xasuus mudan Hanaqaadka Puntland inuu biloowday 1998kii xarunta saldhiga u ahaydna waxay ahayd, Magalada Garoowe  wana meeshii Hawshaan looga ambaqaaday, oo uu markaas joogay Hogaan Dhaqameedkii ugu da’da waynaa Isimada Gobolada waqooyi Bari AUN  Islaan Mohamed Islaan Muuse oo loo doortay inuu kulmiyo Isimada iyo Nabadoonada kale arinkaasna sii lafaguri lahaa. Mirihii waan gaarnay wana ay hana qaaday puntland. Maantana Alxamdulillah Gaarowe waa Magaalo Madaxda Puntland saasoo ay tahayna waxa ka dhacay Doorooshooyin Badan oo Xalaal ah.

Waxaan ku faraxsanahay in ummada Reer Punltand yihiin dad walaalo ah isku Isir ah laakiin dadkasta oo Horumar gaara waxaa ka xun kuwo toodii dayacay,  marka ma noqonayno mana nala ku yaqaan dad damiir lawayaal ah ee aan Cashar ka barano Soomaaliya waxa meeshaas dhigay. midnimadeenu ha ahaato Horumar, Cadaalada, Karti iyo Hufnaan siyaasadeed oo aan lahayn Takoorid waana in loo fikiro ayaaha danbe ee mustaqbalka, ee aan loo fikirin shaqsi iyo koox. Midnaba.

Waxaan jeclahay inaan halkaan Talooyin ugu gudbiyo Qaybaha muhiimka ah ee ay qusayso shaqada ugu badana hortaalo, kuwaasoo kala ah:-

1)  Hogaamiyayaal dhaqameedka.
2)  66-danka Xubnood ee Barlamaanka Puntland.
3) Madaxweynaha la dooran doono.
4) Bulushada Rayidka ah .

1)   Hogaamiyayaal dhaqameedku :-  waa inay ku sifoobaan sifooyinkii loo doortay iyo mabdii’ay aaminsanayeen kuwii asaaskii dawlada Puntland  doorka ka qaatay jiritaankeeda. Sida:-

a)      Waa inay ku waynaato Cabsida ALLE “SWT” kana madax banaanadaa nin jeclaysi iyo kale tafaraaruq u horseedi kara qiimihii ay bulushada ku lahaayeen inuu dhumo.

b)      Inay ahaadaan kuwo ka midaysan Caqli iyo Cilmi kana fogaadaan faragalin ajinabi sida inuu kala wareego doorkii Hogaanka dhaqanka, waayo Maanta marxalada soomaalidu ku jirto ma ahan mid ay kale mid noqon karaan dawladaha hormaray taasna waxay imaan kartaa markii la helo muwaadinin Isbedel samayn kara ku salayn Diinteena iyo dhaqankeena inta fiican ee uu leeyahay, waayo Dunida  maanta maskax duulaan baa ka jira Ku salaysan Caqiido iyo dhaqan doorin, waxaa nahay Dad wadaaga Diin, Luuqad, iyo Dhaqan waxaana la mudan yahay in la garoowsado soomaliya  maxay isku dilin intii faragalinta shisheeyaha timid maxaa naga nusqaamay, wali dad ku jira baa nahay Guumaysi dad ban haddii lagu daro wiiqida Dhaqankeena waxaa dhumaya  xishoodkii , Rixinkii, Dhaqankii iyo Diintii waxaa  naloo horseedi doonaa wax aanan ka soo kabandoonin mustaqbalka.

c)      Waligiin ka Fogaada qol madoow heshiis la idin kula galay:- waayo wuxuu sababi karaa in lagaa saxiixdo saxiix aanan masiirka ummadada dan ugu jirin, taas oo kaga imaan karta saddex dhinac a) Gacan shisheeye, b) mid Qabiil C) Xilka qofka haya iyo Kan doonaya ( soomaalidu waxay dhahdaa Af wax cunay Xishooh)

d)     Hogaanka dhaqanku waa inuu dhiirigalin iyo soo dhawayn siiyo Dhalinyarada waayo wax bay badelikaraan maanta waa maskax curdan ah oo Lisid u baahan dhalinyaradu.

e)      Noogu doorta Xubnaha Barlamaanka sidii noo horseedi karta Horumar Halku dhiguna waa inuu noqdo  Rag baa ka taliyay, Rabbina waa aqbalay. Markaan tan leeyahay yaan loo fahmin in dumarku ka maqan yahay waayo Nin Hooyo dhashay  Talo maseego , Nin aan xaas wanaagsan ka danbayna Nin ma noqodo. Nin aan Gabar fiican la dhalana Garab ma helo. Marka doorka haweenkana intii ilaahay u baneeyey yaan laga hagran.

f)       Dhul udug  bulushada ku dhaqan waa kuwo qadariya Hogaan dhaqameedkooda marka tusahu haduu wax khaldo yaa wax inoo saxaya. Oo marjac ah. Waa cidna !————

2) 66-danka  Xubnood ee Barlamaanka Puntland, ka kooban yahay oo ah kuwo masuuliyadooda sarantahay Cidii ku haboonayd inay noqoto Hogaanka Reer Puntland (Dhul-Udug) waxaa looga baahan yahay sidatan:-

a)  Waa inuu Allihiisa weyn ka baqayo, niyad u hayo, daacad iyo diyaar u yahay xilka    hoggaaminta bulshada, waddanina yahay.

b)  Inay madaxweynaha ku soo doortaan Cadaalad, Karti iyo Hufnaan, wana inay ogaadaan haday mid xun doortaan inay samaynayso Dalka iyo Dadkaba, waayo labadii xaqdaro ku heshiisa xaqaa isku dira taasna waxay ceeb ku tahay sharaftooda , sharafta hogaanka dhaqanka iyo jiritaanka Puntland.

C. waa inay la xisaabtan masuuliyadeed iyo mid dhaqaale la sameeyaan cida ay doorteen

d) waa inay la socdaan xaaladaha Amaan , dhaqaale iyo siyaasadeed ee wadanku ku jiro

e)  waa inay bulushadooda la wadaagaan talo iyo tusmo ba, wana inay isha ku hayaan fursadaha iyo caqabadaha imaan kara, Siyaasada gudaha iyo tan dibada.

f)  waa inay ahaadaan kuwo hal abuur leh naftoodana u hura diintooda dadkooda iyo dalkooda.

3) Madaxweynaha la dooran doono : waa inuu ogaadaa inuu yahay hogaan ummadeed loogana baahanyahay isbedel ku salaysan cadaalada karti iyo hufnaan ayna la wadaagaan dhammaan ummada dooratay waana inuu ku sifoobaa sidatan :-

  1. Waa inuu Allihiisa weyn ka baqayo, niyad u hayo, daacad iyo diyaar u yahay xilka hoggaaminta bulshada, waddanina yahay.
  2. Waa inuu jir iyo maskax-ahaanba bad qabo, si uu karti ugu yeesho xil-gudashadiisa.
  3. Waa inuu Shakhsiyad, muuqaal iyo akhlaaq wanaagsan leeyahay.
  4.  Waa inuu dadka qancin karo, ra’yigiisana si fiican u cabbiri karo, si dhiirranna hadalka u karo, go’aan qaadashana leeyahay.
  5. Waa inuu doonayo inuu dalka iyo dadkaba wax u qabto, dul-qaad iyo geesinimana muujiyo.
  6.  Waa inuu ka dhisan yahay dhinacyada; aqoonta guud, in ku filanna ka yaqaan cilmiga bulshada, diinta, siyaasadda, ugu yaraanna hal luqad oo caalami ah si fiican wax ugu cabbiri karo, si uu adduunka kale ula macaamilo.
  7.  Waa inuu leeyahay hal-abuur ,kana dabbaalan karo caqabadaha, maareyntiisuna mid macquul ah tahay.
  8.  Waa inuu leeyahay aragti dheer, wax ku  sii saadaalin karo, dibin-daabyadana dareemi karo.
  9. Waa in uu dadka kale iskaashi la samayn karo, uuna  qaddarinayo ra’yigooda, isla-weynina ayan ku jirin.
  10. Waa inuu si caqli iyo miyir ah wax ku xallin karo, caadifadahana iska xakamyn karo.
  11. Waa inuu joogto u horumarin karo xiriirka uu dadka kale, gudaha iyo dibadaha la leeyahay.
  12. Waa inuu bisayl iyo waayo-aragnimo xambaarsan yahay.

Haddii astaamahan badankoodda laga helo Madaxweynaha ama hoggaamiyaha, wakhtiguna uu saacido,sidoo kalena ay garab galaan dadwaynaha uu xilka u hayo iyo dhammaan xubnaha la shaqaynaya  waxaa xaqiiqo ah inay noqondoonto Xukumada masuuliyadeeda Gudata wadankana u horseedi karta Horumar, Cadaalada , Ka qaybgal iyo Midnimo. Waa noo Rumoobaysa Riyadaan “Rag baa ka taliyay, Rabbina waa aqbalay”

4) Bulushada Rayidka ah,  waxaan leeyahay waxaa la idinkaga baahan yahay doorkiina waana inaad ogaataan inaa tihiin kuwii dhiiri galin lahaa Hogaanka waayo murti baa oranaysa “Haddii uu nin geesi ahi, rag u geed-adag yahay, haddaan garabka lala qaban guri oodi mayo”

            Hoggaamiye kasta oo la yimaada, astaamihii wanaagsanaa ee hoggaamintana leh, hadduusan taageero ka helin dadka iyo dawladda uu hoggaanka u hayo, waaqaca yaallana aannu u hiillin, hal tallaabo hore uma qaadi karayo, xilkiisana si fiican uma gudan karo, xataa haddii uu miciinsado kaalmo shisheeye.

Waxaan idinkula talinayaa :-

  1. Inaad Ixtiraamtaan dhammaan masuuliyiinta masiirkiina ka talinaysa , iyo hadaa wax dhaliilaysaan inaad si cilmiyeeysan u gudbisataan baahidiina idinkoo u maraya wadada ay ku haboontahay.
  2. Inaad u hogaansanaataan sharuucda maamulku soo saaro wadankana faa’ido u leh
  3. Inaad isku hormarisaan wax aad haysataan ee inaan sugin cida hogaanka idiin haysa’
  4. Waa inaad ogtihiin wax idin ka baxa iyo wax aad faa’idaysaan,  tusaale ahaan Degmooyin waxaa jira dhaqaale badan ka soo galo dawlada marka la qiimeeyo miisaaniyad sanadeedka, hadaba Degmooyinkaas ma ahan kuwo hela baahidii asaasiga ahayd,  waxaana sabab u ah dadka deeqaanka. – waa inay hawlaha horumarinta u xilsaartaan dad aqoon leh ayna la xisaabtamaan dawlada hoose.

- waa inay abuuraan uruuro si mutuduwacnimo ah u shaqeeya kana kooban bulushada rayidka ah.

- waana inay bixiyaan canshuuraha waayo waa kuwa u fududaynaya in dib u dhis lagu sameeyo    kaabayaasha dhaqaalaha.

- waa inay qabyaalada ka fogaadaan iyo u durbaan tunka aan dantu ugu jirin ee aakhiro seega ah .

-waa inay ka dhiidhiiyaan waxyaabaha anshax xumada ah samaynta ku yeelan kara puntland.

- bulushada Rayidka waa inay marxalada qaarkood si askarinimo ah u shaqeeyaan Dal dadkiisaa difaaca,  wana inaad ogaataan guushu gacmihiinay ku jirtaa ee  kasbada madaxdiina .

F.G:  waxaan ahay bani’aadam mana jecli inaan qadaf u geeysto hogaanka dhaqanka, Barlamaanka, Madaxweynaha iyo Bulushada reer Puntland. wana jeclahay jiritaankooda ilaahayna cimrigooda ha raajiyo hadaa khalad ku aragto qoraalkaan waad u madaxbanaantahay inaad isaxdo.

Mahadsanidin Akhristayaasha sharafta leh.

W/Q: Aisha Ahmed Hussein (A.Geesdiir).
Email Contact  Caasho61@gmail.com .

Comments

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!