Cabdixakiin Cabdullaahi Camey oo loo doortey Madaxweyne kuxigeenka Puntland

Published: January 8, 2014
Cabdixakiin Camey

Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Xildhibaanada Puntland u doorteen madaxweyne ku xigeenka Puntland, waxaana uu ku guuleystey codad aad u badan isaga oo heley codad dhan 48 cod, halka musharaxa wareega saddexaad kula tartamaayey uu heley 16 cod. Wareegii labaad waxaa ku harey Madaxweyne kyuxigeenkii hore Gen. Cabdisamad Cali Shire.

Musharaxa laga guuleystey Cabdullaahi Timacadde iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore ee wareegii labaad ku harey ayaa labaduba u hanbalyeeyey Madaxweyne kuxigeenka cusub Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camey. Madaxweyne kuxigeebnka cusub ayaa doorashadiisi kadib loo dhaariyey xilka Madaxweyne kuxigeen ee Puntland.

Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar oo reer Buuhoodle ah ayaa ah nin qurbaha ka yimid, gaar ahaan dalka Maraykanka, waxaana doorashadiisu ka dhigeysaa mid Puntland weji cusub ku soo kordhisey, isla markaana uu jaal la noqonaya Madaxweynaha Cusub ee Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo isaguna ka yimid dalka Maraykanka.

Guud ahaan waxaa si nabad iyo deganaansho ah ku soo dhamaatey doorashadii subaxnimadii hore ee maanta oo arbaca ah ka bilaamey caasimadda Puntland, waxaana magaalooyinka Puntland ka socda xaflado iyo dabaaldeg lagu soo dhaweynaayo isbeddelka cusub ee Puntland ka dhacay, taas oo saameysey dhamaan saddexda kursi ee dalka u sareeya

Horseed Media
News Desk

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *