Dadweynaha Bosaso oo isu-soo-bax weyn ku taageeray Prof.Gaas [Daawo]

DSC00615
Kadib markii lagu dhawaaqay Natiijadii Doorashada Madaxweynaha Puntland ee maanta ka dhacday Aqalka Baarlamaanka Puntland ee Garowe ayaa waxaa durbaba ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee Puntland, Dabaaldeg ay shacabka kusoo dhaweenayaan Madaxweynaha cusub Prof.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Magaalooyinka Bosaaso, Carmo, Waaciye, Qardho, Garowe, Burtinle, Badhan, Dhahar, Buuhoodle iyo Gaalkacyo ayaa kamid ahaa goobaha sida weyn dadku isugu soo baxeen.

Magaalada Bosaaso ee ah xarunta Ganacsiga Puntland ayaa dadweyne faro badan isugu soo baxeen fagaaraha Gaaca ee bartamaha magaalada, halkaasi oo ay ka dajiyeen sawirkii Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo saarnaa taalada Gaaca, iyagoona suray Astaanta dowlada Puntland iyo sawirka Prof.Gaas.

Magaalooyinka Bosaaso, Qardho iyo Gaalkacyo ayaa si weyn looga maqlayey rasaasta hubka culus ka dhacda oo cirka loo ridayey kadib markii ay cadaatay in doorashada uu kusoo baxay Prof.Gaas, oo taageero xoogan ku lahaa magaalooyinkaasi.

Sawiradii Bosaaso

Kala soco Horseed Media wararka dheeraad ah ee la xariira doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Horseed Media Live

Comments

  1. says

    WAXAAN U HAMBALYENAYAA MADAXWAYNE FAROOLE ,HAUSHA UU WADANKA U SOO QABTAY SIDOO KALE WAXAAN SOO DHAWAYNAYAA MADAX WAYNAHA CUSUB CABDIWALI

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!