Cabdiweli Maxamed Cali GAAS Madaxweynaha Puntland 2014-2018

kowKadib markii ay wareega saddexaad isugu yimaadeen Cabdiraxmaan Faroole iyo Prof. Gaas ayaa natiijo yaableh waxay guushu ku raacdey Prof. Cabdiweli Cali Gaas, waxaana codadkii la dhiibtey uu heley 33 cod, Faroole wuxuu heley 32 cod hal cod ayaa isaguna xumaadey, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa noqonaya Madaxweynihii shanaad ee Puntland yeelato.

Madaxweynaha xilka ka degaayo Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa soo dhaweeyey natiijada waxaana uu oggolaadey in tartanka looga adkaadey, waxaana uu jeediyey khudbad si weyn loogu riyaaqey.

Advertisements

Waxaa isaguna ka hadley doorashadii guushu ku raacdey Prof. Gaas Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse iyo Ergayga Qaramada midoobey ee Soomaaliya Nick Kay. Durba waxaa ka bilowdey magaalooyinka waaweyn ee Puntland dabaaldeg, magaalada Bosaso ayaa dad badan isugu soo baxeen halka loo yaqaano Gaaca waxaana ay aad ugu tamashleeyeen isbedelka Puntland, meelaha kale oo laga soo sheegayo dadka banaanbaxaya waxaa kamid ah Qardho, Gaalkacyo,  Badhan iyo caasimadda uu ka dhacddeey doorashadu inkasta oo  ay tahay mid xaafadaha ka dhacaysa maadaama weli aan la oggolaan isusocdoka  oo guddiga amnigu xanibey isu socodka.

Waxaa goor dhaw bilaamaya doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay u tartamayaan 10 Musharax

Waxay natiijadii noqotay:

Wareega 3aad
Cabdiraxmaan Maxamed Faroole 32
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 33

Sida muuqata hal cod baa xumaaday qofkaasi oo codka siiyey Cabdi Daahir Yey oo wareeegii 1aad ku haray doorashada

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku guuleystay hal cod oo kaliya isagoo wareegii 2aad helay 18 cod oo kaliya, halka Faroole uu helay 31, waxaana muuqata in Faroole helay hal cod oo dheeraad ah wareegii sadexaad balse kuma filneyn waxayna guusha raacday Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo helay 33 cod.

 

Natiijadii Wareegii 2aad

Wareega 2aad
Cabdiraxmaan Maxamed Faroole 31
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 18
Cali Xaaji Warsame 16

Waxaa xumaaday 1 cod. Sidaa waxaa ku dhan 66ka cod ee Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland

Waxaa wareegan markale ku hogaaminayey Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, hase yeeshee Madaxweynaha ayaa ku guuleysan waayey labadii wareeg ee hore inuu helo 44ka cod ee guusha uu murashaxa ku qaadan karo.

Waxaana hada loo gudbay wareega 3aad oo ay isugu soo hareen:

Faroole vs Gaas

Waxaa hada socota codeynta wareega 3aad ee codbixinta oo ah wareegii ugu danbeeyey ee doorashada Madaxweynaha.

Marka ay dhamaato codbixinta wareega 3aad laguna dhawaaqo Murashaxa ku guuleystay Doorashada, waxaa la geli donaa wakhti kooban oo nasasho ah, kadib waxaa loo gudbi doonaa Doorashada Madaxweyne kuxigeenka.

Natiijadii Wareegii 1aad

Wareega 1aad ee Codeynta Doorashada Madaxweynaha ayaa dhamaatay iyadoo guud ahaan la tiriyey codadka oo uu hada ku hogaaminayo Madaxweynaha xilka haya Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo helay 27 cod.

Faroole: 27 cod
Gaas: 13 cod
Cali Xaaji: 12 cod
Maxamed Cabdi Nuur: 6 cod
Shire Xaaji Faarax: 4 cod
Cali Cabdi Awaare: 3 cod
Cabdullahi Siciid Samatar: 1 cod

Hoos ka eeg wadarta guud cododka ee Natiijada Wareega 1aad!

Sida xeerka Doorashada uu qorayo hadii hal murashax uu ku guuleysan waayo inuu helo 44 cod, waxay noqoneysaa wareega 2aad in loo gudbo oo ay ku tartamayaan sadexda murashax ee ugu cod badan kuwaasi oo kala ah:

Cabdiraxmaan Faroole
Cabdiweli Gaas
Cali Xaaji Warsame

  Wareega 1aad
Cali Xaaji Warsame 12
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 13
Cali Cabdulqadir Yusuf 0
Cabdiweli Macalin Gurey 0
Shire Xaaji Faarax 4
Maxamud Cabdiraxmaan Cuuke 0
Cabdullahi Siciid Samater 1
Maxamed Cabdi Nuur 6
Cabdi Yusuf Yey 0
Cali Cabdi Awaare 3
Cabdiraxmaan Faroole 27

Horseed Media Live 

Comments

  1. farahmahad dhagaweyne says

    Bismilaah, the great change of leadership and the welcoming acceptance are real definitive signs of puntland and its leaders and the society in general because god helps those who help themselves, so i heart-fully would like to say congratulations, congratulations puntland and its people.

  2. nora says

    Dr Faroole ayanu daasano is bedel dhab ah meesha kama soo muuqado ee Dr Faroole haloogu hamalayeeyo 5 sano ee soo socotah baan oranalahaa.

  3. says

    anigoo ah liibaan dhoonbe axmed ma dooneyno farole waxan ku dhalilayaa wax qabadkiisi hore ayaan horey u soo aragnay waxana doneynaa inuu illahey na siiyo nin dadka iyo dalka wax u qabta insha alah