Prof.Gaas: Isbedalkii Puntland wuu ka bilowday [Khudbadihii Madaxweynaha]

faroole_gaas
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad kasoo jeediyey Golaha Baarlamaanka Doorashada kadib ayaa u mahadnaqay Xildhibaanada sharafta leh sida ay xilka ugu aamineen.

Wuxuu sidoo kale Prof.Gaas u mahadnaqay Guddiga Doorashada ee ku dadaalay in doorashada si xalaal ah u dhacdo.

Advertisements

“….Waxaan u mahadnaqayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo Puntland soo hogaamiyey shantii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna noqon doonaa odey reer Puntland, Insha allah… Hadalka inaan ku dheeraado ma rabo, waxaan rabaa inaan u mahadnaqo taageerayaashayda meel walba oo ay joogaan, waan idinku mahadnaqayaa taageeradiina, Waxaan idiina sheegayaa oo Shacabka Puntland u cadeenayaa inaan si daacad nimo ah idiinku shaqeyn doono si wanaagsan aana u gudan doono waajibaadkeyga Dastuuriga ah, Waxaan rajeenayaa horumar isbedalkii waa bilowday Khayr baan rajeenayaa…” ayuu yiri Prof.Gaas.

Cabdiraxmaan Faroole

Madaxweynihii laga guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo khudbad kooban goobta kasoo jeediyey ayaa sheegay inuu ku qanacsanahay oo maqsuud ka yahay sida doorashada ku dhacday, walaalkay cabdiweli aad baan ugu tahniyeenayaa guusha uu gaaray , Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale u mahadnaqay Beesha Caalamka oo uu kamid yahay Ergayga Qaramada Midoobay Nicholas Kay.

Gen.Cadde Musse

Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Musse oo khudbad soo jeediyey goobta kadib khudbadihii Gaas iyo Faroole, isagoo sheegay in shan sano kahor ay sidan oo kale xilalka ulla kala wareegeen isaga iyo Madaxweyne Faroole, wuxuuna sheegay in muddooyinkii lasoo dhaafay dadku walaac ka qabeen xaalada Puntland, waana mahad illaahay sida ay wax ku dhaceen.

“…Cabdiweli waxaan kaa sugaynaa waxaad balanqaaday inaad noo qabato wax badan baana balan qaaday…” ayuu yiri Gen.Cadde Musse oo hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey inuu u mahadnaqayo Dadweynaha reer Puntland.

Nicholas Kay

Ergayga UNSOM ee Soomaaliya ayaa goobta khudbad uu kasoo jeediyey ayaa mahadnaqay u diray Madaxweynaha cusub Gaas, Madaxweyne yaashii hore Faroole iyo Cadde Musse.

Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta oo taariikhi ah idinla joogo oo aad doorateen Madaxweynihii 4aad, waxaan saaka kasoo kacay bartamaha magaalada Garowe, iyadoo magaaladu nabad tahay isla markaana ay muuqato horumarka ka socda iyo rajada mustaqbalka laga leeyahay Puntland.

“…Waa arrin aan aad u jeclahay inaan ku neefsano Hawada Nabada iyo horumarka Puntland, anigoo ku hadlaya magaca Qaramada Midoobay iyo dhamaan ergada Beesha Caalamka ka socota…waxaan ugu mahadnaqaynaa sida Madaxweynihii hore Faroole u diyaariyey doorashada una aqbalay natiijada…”

Waxaan sidoo kale aad ugu mahadnaqayaa guddoonka Baarlamaanka iyo guddiga Doorashada oo qabtay hawl aad u wanaagsan oo tusaale unoqon doonta dhamaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaan marnaba la illaawi karin kaalintii ay ka qaateen issimada iyo nabadoonada deegaanada Puntland. Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyaguna waa ku mahadsan yihiin hawshooda.

Waxaan si gaar ah u xusayaa Gen.Siciid Dheere iyo hawshii uu qabtay dhanka amaanka iyo nabada magaalada Garowe.

Markale waxaan u mahadnaqayaa dhamaan shacabka Puntland oo muujiyey biseyl siyaasadeed oo tusaale u ah dhamaan ummada Soomaaliyeed.

Maanta waxaa bilaabaneysa 5ta sano ee soo socota ee xukuumada cusub, waxaana jeclaan lahaa inaan idin la qeybsado sadex waxyaalood oo aan jeclaan lahayn in ay dowlada hirgeliso.

1- Ugu horey waxaan jeclaan lahaa in dowlada kasoo baxdo balanqaadkoodii ay shacabkooda u fidiyeen ee dhanka Waxbarashada, Caafimaadka, biyaha iyo horumarka kale, Qaramada Midoobayna way idinla garab taagan tahay taageero buuxda.

2- Waxaa sidoo kale rajeenayaa in dowlada cusub ee Puntland hirgeliso, codsiga Soomaali weyn oo ah, in Puntland ay noqoto dowlad hormuud u noqota Federaalka Soomaaliya, isla markaana wada shaqeeyaan dowlada ka dhisan Muqdisho, Puntland waxay leedahay door muhiim ah oo hogaan.

3- Waxaan ugu danbeyn jeclaan lahaa in dowlada cusub ay hirgeliso waxa beesha caalamka idinka codsanayaan in la meel mariyo Nidaamkii Dimuquraadiyada ee qof walba codkiisa dhiiban karaan, si ay u nastaan Issimadiina, waxaana sidoo kale rajeenayaa in haweenka kaalin weyn ka qaataan siyaasada Puntland.

Shacabka Puntland iyagaa hada laga sugayaa inay dowladooda dhistaan oo ay horumarkooda ka shaqeeyaan, sababtoo ah go’aanka wuxuu ka go’aa reer Puntland, waana rajeenaynaa in arrimahaas oo dhan lagu guuleysto.

Caawa Garowe ayaan joogi doonaa si aan u arko QORAX DHACA Garowe, isla markaana idinla qeybsado nabad iyo dib u heshiisiinta iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya Mahadsanidin, ayuu ku dhameeyey Khudbadiisa Nicholas Kay.

Waxaa hada la galay 30 daqiiqo oo nasasho ah oo ay dhamaan Xildhibaanada iyo martida kale kusoo tukadaan, waxaana kadib la geli doonaa Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo u tartamayaan 10 murashax.

Horseed Media Live

Comments

  1. Sahra says

    Sahra F. bashane

    Anigoo ku hadlaya magaca reer Farah Bashane, ugu horeyn waxaan leeyahay Mr. president hambalyo Abdi/wali M. Ali Gaas. waxaan kaloo hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dr. Murwada Madaxweynaha wadaniyada dhabta ah Dr. Hodan Isse. Mr. president Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay doorashada laguu doortay Puntland Ilaahay hakugu guuleeyo howshaa culus ee aad masuulka ka noqotay. Amiin,Amiin, Amiin

  2. Sirma qabe says

    Cabdiwali Gaas waan kuu hambalyeynaynaa. Waxaan rajaynaynaa inuu Illaahay kuu fududeeyo xilka aad qaaday. Xilku waa amaano. amaano cirkaa diiday oo dhulkaa diiday oo ibnu aadan baa qaatay. Barlmanaanka haka dhigin sidii kii hore ee waa inay kaa madax banaanaadan sidii aad balan qaaday. Maxkamadii dastuuriga ahayd dhis oo iyana madax banaanee. Waxaas oo dhan waxaa kawada muhuum san arinta iyo dhiba ka taagan dhulka beelaha SSC ama Khatumo ninba suu u yaqaan. Waa inaad oofisaa balantii aad qaaday oo aadan noqonin sidii kuwii kaa horeyey.

    Laba mid ayaa lagaaga fadhiyaa, inaad dhulka la haysto xorayso mudo lix bilooda (waqtiga ha dherersan sidii kuwii hore) oo ciidan xoog leh aad dhistaa, dabadeed na digniin waqti gaabana aad siisaa maamulka somaliland si uu dhulka uga baxo, adiga oo hawl badan galinaya beelaha dhulkaa degan iyo Puntland ba, dhaqaalaha wadankana u leexinaya lix daa bilood xoraynta dhulka maqan.

    Walaalow duco ha kugu dhacdee, haddii aadan taas yeelayn oo balantii aad qaaday aadan oofinayn oo shirweynihii aad tidhi waan iclaaminayaa oo xoraynta ku salaysnaa aadan u qabanayn dhamaan beelaha hartiga ee degan Puntland iyo Khatumaba si hartigu u garnaqsado, go’aana u wada qaato. Waxaan kuugu baaqayaa inaadan dadkaa halfkood/nuskood adna aadan markale hostage usii haysan, halfka/nuska kalena aadan ku daawan Somaliland si ay u sii haystaan ee aad faraha kala baxdo oo u ogalaato maamulkooda iyo inay ayahooda ka tashaadaan. Haddii aadan taa yeelaynin, oo aad ARAN JAAN cusub samaysato, kuna mashquusho hawlo kale iyo wax urursi, reerkaaguna isku kaa xeeraan oo ay qurbaha boorsooyin kala soo yacaan, iyada oo dadka qaar dayacan yihiin, Waxaad ogaataa in lagu waydiinayo odayga, islaanta, ilamaha yar, kan waalan, ilmaha yar iyo dumarka uurka leh oo ku dayacma dhulkaas laga xanibay noloshii iyo horumarkii ee lixda sanadood la haystay. Maanta fursad fiican baad haysataa oo aad harti dib ugu midayn kartid ee ka faa’iidayso, waxaa tahay waji cusub, Waxaan ku leenahay nooga hiili qolyaha naga midka ah ee raba inay harti kala fogeeyaan oo natus in harti dalka wada leeyahay. Haddii kale tol jira aanu ahaanee farah naga qaad oo wixii aad ku garab istaagi karto Dhulbahante muruq, maal iyo maskaxba ku garab istaag. Waa la ogaan doonaa inaad wadadii kuwii hore marto oo balantii aad qaaday ka baydho iyo inaad oofiso. Haddii aad tusto dadka inaad nin wax xorayn u diyaara tahay oo hawsha ku dhaqaaqdo dadka oo dhami way ku taageeri, haddii kale nacayb iyo kala fogaansho sidii kii kaa horayey ayun baad sii kordhin. Mar labaad waxaan ku leeyahay bal ama leadership muuji oo dadku waa hartiye u tali ama faraha ka qaad ha tashadeene. Haddaan kaftan intaa ku yardaro, waxaan kuu sheegayaa madaxweyne ku xigeenku wuu ka duwan yahay ragiii hore, maaha reer laascaanod, waa nin reer Buhodle ah wax weyna soo kordhin kara hadaad diyaar u tihiin inaay dhulka xoraysaan oo wada shaqaysaan Raali iga ahaw intaasi waa iga talo haddii aan kugu soo degdegay adiga oon kursiga ku nasan, mar labaad waxaan kuu rajaynayaa wixii khayrku ku jiro in Allah ku solonsiiyo.

  3. says

    Halkan waxaan ka dhahayaa mahadsanid weyn. Gudiga doorashada puntland aa sida daacad lagu yaqaanay u shaqayey iyagoo ilaah kabaqaya una diidaya qilaaf dalkooda iyo dadkiisa waa mahad sanyihiin gudiga doorashada puntland. Waxaan kaloo dhahay madaxweynaha cusub aniga wali kuma qiyaasi karo in aad tahay nin hooshisa ka soo bixi karo waan arkeena sida aad u dhisitid dowladaada sida awood qaybsiga beelaha wada dhashay aad u siin lahayd iyo sidaa ugu shaqayn laheyd nabada dalka iyo dadka reer puntland iyo maamulka jubaland sida aad u tageri lahayd dadka kula dhashay aa ku nool jubaland state. Marka aan arko wax qabadkaad an ku amaanikaraa. Sida aan u amaanay madaxweynaha, Sheekh Cabdiraxmaan maxamed maxamuud, faroole. Geesi iska qashay cadowga dadkiisa, iyo dalkiisa. Good luck our new present puntland state

  4. h says

    prof abdiwali ad ban kugu hambalyeynaya adiga iyo shacabka rer puntland waxan illahay ka rajaynaya in ad xilkas ka so baxdid illahayna kula qabto amin ……

  5. Mohamed Tucker M. Gelle says

    Alaalhu Akbar! Alaahku Akbar!!! ILAAHAY WAA NOO HIRGISHAY RIYADEENI IYO DUCADII AAN WAX BADAN ALLE U QUNUUDNAY!! ALLOW NOO XIFIDO MADAXWAYNAHEENA CUSUB!! GAAAAS FOR PUNTLAND!! WAXAAN CABIRI LA’AHAY SAAN U CABIRO FIKIRKAYGA KU AADAN GUUSAHAAN MAANTA!! WALAHAY IT IS A GREAT VICTORY! RIYADII AAN 5 SANO KU DUCAYSANAYNAY ALLE MAANTU NOO HIRGASHAY!! ALLA MAHAD ISKA LEH! VIVA PUNTLAND!! HORSEED MEDIA THANKS FOR SHARING US ALL ASPECTS OF LIFE!! 8 BIRI MA SEEXAN WAXNE MA CUNIN !! GAAS AYAAN U QUNUUDADYY ALLENA WAA IKA AQBALAY!! WAXAAD MODA XILDHIBAANOW TUSMAY OO TABA GALI ISBADALKA INAY XILDHIBAANADII SAAMAYSAY!! YA ALLAH!! WHAT A GREAT VICTORY!!!

  6. Rago kunool says

    It is a victory for those who supported for change in Puntland state of Somalia, but also it is a sad day for those tribes that have been denied their rights to take part in this election. I hope that one day they will have an opportunity to represent their ethnic.

    • amj says

      abdi weli waxaan filyaa inuu hadda aad uGu haboon yahay inuu xilkan qabto laakiin waa nin xil qaaday eed qaad illaahay ha u fududeeyo si ay isu garabsaddan wallaalahiisa kala irdhoobay sida maamulka khaatumo side by side dadkii afwelinje kala fogeeyey