Qardho oo si weyn looga taageeray madaxweynaha la doortey ee Puntland Prof. Gaas – Daawo

qardho_gaas

Bannaanbax balaaran oo lagu taageerayo Madaxweynaha Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo maanta ka dhacay magaalada Qardho.

Advertisements

Banaanbaxaani oo isqabsaday Hareeraha wadooyinka waaweyn ee magaalada Qardho ayaa si weyn loogu taageeray C/wali Gaas oo maant aku guuleystay xilka Madaxtinimada Puntland,waxaana dadweynaha ka muuqday Shucuur aad u kacsan oo ku aadan isbadalka maanta ka dhacay Puntland.

Dadweynaha maanta ka qeybgalay banaanbaxaani ayaa ku dhawaaqayey hadalo taageerid iyo hanbalyo ay u dirayaan Madaxweynaha Cusub ee Puntland,waxana sidoo kale magaalada Qardho isqabsaday dhawaqa Rasaasta oo loogu dabaaldagayo Guusha u soo hoyatay Madaxweyne Gaas.

Horseed Media
Qardho, Puntland, Somaliya

Comments

  1. nora says

    waa caadi reer qaradhood iyo laab la kac dadka pl is bedel bay rabeen is bedekina waa yimi qaabka ay doorashadu u dhacaday waxay ahayd mid aad u qurux baddan nadaamka ay xilka ula kalawareegeen masuliyiinta cusub iyo kuwi hore waa arin yididiilo fiican leh balse in xamaasada iyo laab lakaca ay tarbiibasadaan reer qaradhoodku baa fiican in loo hamalyeeyo madaxweanaha cusubina waa mid meesha ku jiratah..