Doorashadii Puntland iyo casharada laga bartey

faroole_gaas

Puntland waxaa si nabad ah ugu qabsoomey doorashadii saddexaad ee lagu doorto Madaxweyne taas oo ah mid Baarlamaani ah, saddexda doorashoba waxay dhaceen 8 Janaayo oo hadda yelanaysa calaamad iyo tusmo gaar ah.

Dad badan oo ka mid ah kuwa ku dhaqan Soomaaliya oo Puntland ay ka mid tahay waxay qabeen wel-wel qaar kamid ah waxgaradka gudaha Puntland ayaa mararka qaarkood ku doodi jirey in wax Puntland la yiraahdo aysan ka danbeyn doonin Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, caalamka ayaa qudhiisu welwel badan qabey hay’adda ka talo bixisa xasaradaha adduunka ee ICG ayaa u danbeysey waxaana laga cabsi qabey in doorashooyinka Puntland ay soo jiidaan khilaaf taas oo ay ka faa’ideysanayaan kooxaha mayalka adag iyo burcad-badeeda oo xilli ka hawl-geli jirtey halkaas.

Waxaa si dhab ah loo dhihi karaa Puntland mar kale ayey cashar u dhigtey caalamka, waxaana sii yaraanaya dareenadii la qabey waxaana hadda la hiigsanayaa midow iyo in horey loo socdo.

Dimoqraadiyad maxali ah

Wax badan waxaan aragney in natiijooyin doorasho la isku qabsadey kadib markii codadku isku dhawaadeen iyada kumaankun cod u dhexayso rabshado ka dhacaan dadna ku dhinto, inkastaoo ay yihiin Doroasho shacab haddana waxaan dhihi karnaa hal cod in lagu kala baxo, weliba lagu qanco in mid xumaadey waa cashar cusub oo Puntland caalamka u dhigtey.

Khudbaddii guusha

Sida lagu bartey guusha kadib waxaa la jeediyaa khudbad, taas oo guuleystuhu ku soo bandhigo shucuurtiisa iyo waxa uu qabanaayo isaga oo meelaha ugu muhimsan ka abbaara, waana meelaha u horeeya ee laga qoro siyaasiga guuleystey.

Guushii Prof.Gaas kadib waxaa dad badan aaminsan yihiin in khudbaddii guusha uu qaatey Madaxweynaha xilka ka degaaya Dr.Cabdiraxmaan Faroole kadib markii uu jeediyey khudbad taariikhi ah, dar-daaran ah geesinimona ay ka muuqato. Madaxweynaha la doortey oo runtii doorashado ay ku ahayd mid wadne garaac badan ayaa khudbadiisu u badneyd Mahadin.

Madaxweynaha xilka ka degaaya khudbadiisi guusha/guuldarada aniguse aan dhihi karo khudbadii guusha waxay ahayd mid kooban oo aanu waxba ka tegin, waana mid taariikhda gashey iyo casharada la bartey.

Isbeddel “Change” vs Xaaladda la qabatimey “Status-qua”

Inkasta oo Madaxweynaha xilka ka degaaya Dr.Cabdiraxmaan Faroole uu awoodda gacanta ku haystey, isla markaana sameeyey waxkasta oo uu ku sii haysan karo awoodda, marka la eego Guddigii xalinta khilaafaadka, marka la eego beelaha weli cabanaya oo sheegay in Kooxda ol-olaha Madaxweynuhu ay ka boobeen kuraastoodi dad aysan soo dirsana ku qorteen, marka la eego dhaqaalaha dalka ee gacanta ugu jirey, isimmada oo khilaaf la dhex-dhigey, waxay noqotey mid guul u horseedi weyda waxaana awooddu raacdey isbeddelka rajada laga qabo lagana baxo xaaladda la qabatimey sanadihii u danbeeyey oo noqdey Muruqa laba suulle ninba si ku ah.

Taariikh dib u soo noqotey

Inkasta oo doorashadii ka dhacdey Garowe ay ahayd nooca loo yaqaan Xeeladeysi, “Tactics policies”, oo haddii wareega kowaad aanu helin qofka noqonaya Madaxweynaha 2/3 codadka xildhibaanadu ay natiijadu noqoneyso fallaartii cirka loo ganey qofkastow filo, ayaa ahayd mid taariikhda dib u soo celisey, waxaana ay dadku dib u xasuusteen sanadkii 2005 doorashadii uu ku guuleystey Gen.Cadde Muuse, si lamid ah tan shalay dhacdey ayaa Madaxweynihii xilligaas Maxamed Cabdi Xaashi heley wareegii kowaad 27 cod, halka ninka ka guuleystey Cadde Muuse uu heley 18 cod, wareegii saddexaad Maxamed Cabdi Xaashi ayaa heley 31 halka Cadde Muuse ka helay 33, waxaana maqnaa hal Xildhibaan, carabtu waxay tiraahdaa “Maxaa isaga eg habeenkii xalay iyo caawa”.

Fursad hala siiyo

Madaxweynaha xilka ka degaaya Dr.Cabdiraxmaan Faroole markii la doortey 2009 waxaa adkadey dadka doonaayey in ay ka baxaan wadciga la daaimey, waxaana lagu soo dhaweeyey meelkasta oo uu tago Puntland iyo caalamkaba laab furan iyo wada shaqeyn dhab ah, Xiisaha iyo waxqabadku waa labo ku loolama siyaasadda iyo qalbiga shucuubta, waxaana awood bata hadba kii xoogweyn haddii waxqabadku yahay sida roob shaameeyey carriga oo dhan, xiisaha isbedelka ku dhisan waxa uu noqon mid shiiqa oo yaraada. Madaxweynaha la doortey waxa uu u baahan yahay in la siiyo fursad uu ku shaqeyn karo. Waana tallaabada labaad ee shacabka iyo caalamkuba sugaayaan.

Geba-gebo

Ugu danbeyntii waxaa mahad oo dhan iska leh Ilaahii suurta geliyey in si nabad ah looga soo gudbo doorashooyinkii Puntland, Madaxweynaha xilka ka degaaya ayaa amaan iyo mahadin mudan sida sharafta leh ee uu doorashada u qabtey, madal qurxoon u dhigey, beesha caalamku ugu soo hiratey iyaga oo nabad ku seexanaya caasimadda Puntland, dhisey ciidan amaanka hanan kara oo aynaan u baahan AMISOM iyo wax la mid ah ee ay yihiin wiilasheeni, waxaa la dhihi karaa arrimahaas oo dhan waa dhaxalgalkaagi taariikhduna kugu xusi doonto, wax yar ayaana ka dhiman ee buurta saar. Dhamaan siyaasiyiinta iyo gacanyaraayaashii iyo kuwii siyaasadda wax ka hagaayey shantii sano ee la soo dhaafey ee magacyada kala duwan loo bixiyey waxaa la gudboon in ay isbeddelka wax ka qaataan oo aysan dhanka kale ka so jeesan fursadna siiyaan Madaxweynaha cusub iyo jaalkiisa si loo dhamaistuiro wixii qabyada ahaa, wixii qabsoomi waayeyna loo qabto.

Madaxweynaha la doortey Prof.Cabdiweli Gaas waxaa u bilodey waqtigii lagu qiimeyn lahaa qofka uu yahay, waxaa horyaala ballanqaadkiisi iyo khudbadiisi maalmaha iyo taariikhda soo socota ayaana xukumi doonta, dadkuna waa markhaantiga dhulka.

Ismail Haji Said
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.