Dooda Federaalka, Qorshaha Madaxweyne Xasan iyo Wadahadalka Turkiga!

Madaxweynaha oo lo dhaarinayo xilka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha oo lo dhaarinayo xilka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya

Sanadkii 2004 xiligii lagu jiray shirkii Kenya uga socday dhinacyada Soomaaliya ee dib u heshiisiinta iyo dhismaha maamul Soomaaliyeed, ayaa waxaa qodobada ugu waaweyn ee xiligaasi si weyn looga dooday kamid ahaa nidaamka ay dowlada Soomaaliya qaadan doonto si dib la isugu soo cesho shacabkii iyo gobaladii kala go’ay ee Jamhuuriyadii hore ee Soomaaliya.

Nidaamka ugu danbeyntii lagu heshiiyey in la qaato ayaa noqday kan Federaalka si loo baahiyo awooDa maamul isla markaana gobaladii la dayacay dalka Soomaaliya intuu xorta ahaa ay helaan awood ay isku maamulaan kagana shaqeeyaan horumarkooda. Waxaana taasi usii dheerayd kalsooni daradii ka jirtay dalka Soomaaliya oo ay qabaa’ilka kala qabeen arrintaasi oo laga dhaxley dagaalkii sokeeye.

Advertisements

Muddo dheer ayey qaadatay in dowlada Soomaaliya salka dhigato isla markaana tagto caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo xukuumadii kumeelgaarka ahayd ee Federaalka ay dagaalo xoogan la gashay xoogagii kasoo horjeeda ee fadhigoodu ahaa Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo isugu jiray hogaamiye kooxeed iyo urur diimeedkii ka dhex dhashay Maxkaakiimtii Islaamiga.

Doorashadii 2012 ee uu ku guuleystay Madaxweynaha xilka haya Xasan Shiikh Maxamuud iyo waliba ka bixitaankii dowladan ka baxday kumeel gaarnimadii ayaa waxaa muuqatay in rajo weyn oo ay shacabka Soomaaliyeed ka qabeen in dalka dib u yeesho dowlad shaqeysa oo waddanka oo dhan gaarta.

Rajadaasi ayaa hadda u muuqata inay dhamaatay, waxaana soo baxaya ifafaalo khatarleh oo burbur ku keeni kara nimdaakii dedaalka dheer loo soo galay iyo dhismihii dowlada Federaalka Soomaaliya.

Khatartan maaha mid ka imaaneysa kooxaha dowlada kasoo horjeeda ama la dagaalamaya sida Al-Shabaab, balse waa mid lagu tilmaami karo inay ka imaaneyso isla gudaha dowlada Federaalka Soomaaliya oo xiligan shukaanta u hayaan koox ay Soomaalidu u taqaan Damul Jadiid (Dhiig cusub).

DASTUURKA FEDERAALKA

Caqabadaha ugu waaweyn ee dowladihii Soomaaliya la shaqeyn waayeen ayaa ah in awooda dowlada ay kusoo aruurto Xafiiska Madaxweynaha iyo kooxaha ka ag dhaw, isla markaana ay isku dayaan inay taladooda ka dhigaan sharciga iyadoo aan tixgelin ah lasiin duruufaha waddanka uu ku jiro iyo waliba xal u helida dhibaatooyinkii ka dhashay dagaaladii Sokeeye.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kuma qaadan maalmo markii la doortay inuu shaaca ka qaado in dib u eegis lagu sameyn doono Dastuurka Federaalka Soomaaliya, arrintan ayaa ah mid salka ku heysa fikirka Madaxweynaha iyo xulafadiisa oo aaminsan in dalka Soomaaliya uusan u baahneyn Federaal, taasi oo ay u arkaan in ay wiiqi kartao xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Xulashadii Raysalwasaarihii ayaa wakhti dheer ku qaadatay waxana la sheegaa in arrimaha ugu muhiisan ama shuruudaha uu Madaxweynaha ku xirayey Raysalwasaaraha ay ahayd in nidaamka Federaalka dib loogu noqdo ama aan la hirgelin.
Waana midda keentay in tan iyo intii la doortay Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud aan lagu guuleysan in la qabto qodobadii bilowga u noqon lahaa hirgelinta nidaamka Federaalka.

JUBALAND

Doodii Jubbaland ayaa noqotay caqabadii ugu horeysay ee dowlada Xasan Shiikh Maxamuud la kulanto, iyadoo xukuumada dagaal xoogan u gashay inay burburiso dhismaha maamulka Jubbaland wallow dhamaadkii ay ku guuleysan weyday. Dagaalkaasi ayaa wuxuu noqday mid xukuumada mashquuliyey muddo sanad ah.

Sidoo kale Dowlada Federaalka xiriirkii ay lalahayd Puntland ayaa meesha ka baxay arrimo la xariira is -faham waa salka ku haya awooda maamulada Federaalka iyo wax ka beddalida Dastuurkii Federaalka ee horey loogu heshiiyey.

Heshiiskii Addis-Ababa ee maamulka Jubba iyo waliba Fadeexadii Yusur Abrar ee dowlada soo wajahday ayaa la oron karaa waxay soo dadajisay khilaafkii ugu horeeyey ee soo dhexgalay Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raysalwasaarihiisii Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

XUKUUMADDA CUSUB

Xukuumadda cusub ee xiligan lasoo dhisay ayuu Xisbiga Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud si toos ah ulla wareegay Wasaaradihii ugu muhiimsanaa ee hirgelinta nidaamka Federaalka sida Wasaarada Dastuurka iyo Garsoorka oo la hoos geeyey Faarax Cabdulqaadir oo kamid ah xubnaha ugu fir-fircoon ee xisbiga Madaxweynaha.

Waa markii ugu horeysay oo laba Wasaaradood oo muhiim ah oo aan weligood horey isu raaci jirin (Garsoorka iyo Dastuurka) la mideeyo lana hoos geeyo hal Wasiir. Waxayna arrintan salka ku heysaa sidii dowlada wax uga bedali lahayd Dastuurkii Federaalka iyo waliba hirgelinta nidaamka Federaalka.

Halkaas kuma eka waxaa sidoo kale socda olole ay bilaabeen xubnaha ay shacabka ku tilmaamaan Damu-jadiid ee kamid ah xisbiga Madaxweynaha kuwaasi oo wada in la qabto dood cilmiyeedyo kala gedisan oo lagu doonayo in looga hadlo bedalida nidaamkii horey loogu heshiiyey ee Federaalka.

Maadaama ay adag tahay in gebi ahaan ay xukuumada hada joogta beddasho Dastuurka Federaalka, waxaa dhinaca kale soo shaac baxaya qorshe lagu doonayo in habka Federaalka Soomaaliya qaadaneyso la beddalo nidaamkii Maamulada (Federal States) lagana dhigo hab ku dhisan nidaamka (Confederalism).

Nidaamka Confederalism ka oo ay hada u ololeenayaan xubnaha loo yaqaan Damu-jadiid ayaa ah mid lagu dabakhayo in lagu saleeyo (Somalia iyo Somaliland) oo isku biiray, sidaana ay labada maamul u noqdaan kuwa Federaalka ku bahoobay, arrintan ayaa meesha ka saareysa maamulada kale ee xiligan ka jira Soomaaliya ama la qorsheenayo in laga dhiso koonfurta Soomaaliya.

SHIRKA TURKIGA EE DOWLADDA IYO SOMALILAND

Fikirkan waxaa durbaba lagu dabakhay shirka Turkiga uga socday maamulka Federaalka fadhigiisu yahay Muqdisho iyo Maamulka Somaliland.

Xog ay Horseed Media ka heshay xubno kamid ah wafdigii Somaliland ee ka qeyb galay shirkii Turkiga ayaa xaqiijiyey in wafdiga ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya ay miiska wadahadalka soo dhigeen qorshaha (Confederalism) oo lagu saleenayo Somalia iyo Somaliland.

Qorshan ayaa ah in awoodda maamul loo qeybiyo Hargeysa iyo Muqdisho, iyadoo labada magaalo loo aqoonsanayo caasimadaha Federaalka, isla markaana bud-dhig looga dhigayo heshiiskii hore ee awood qeybsiga Hawada Soomaaliya.

Qorshahan ayaa meesha ka saaraya in awoodda maamulka lagu baahiyo gobalada kale (States) Soomaaliya sida, Puntland, Juballand, Galmudug, Koonfur Galbeed iwm. Balse noqoto nidaamka awooda koonfurta Soomaaliya mid hoos tagta Muqdisho, halka Hargeysa ay maamuleyso gobalada ay sheegato, nidaamka sarena ay labada maamul wada qeyb sadaan.

Inkastoo la filan karo sababaha ay qorshahan u wataan xubnaha uu soo xulay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee ka qeyb galay shirkii Turkiga, hadana waxaa muuqata in aan laga fekerin cawaaqib xumada ka imaan karta nidaam noocaan ah oo xiligan lagu dabakho Soomaaliya iyadoo la garab marayo maamulada xiligan ka jira koonfurta Soomaaliya sida Jubballand iyo waliba maamulka Puntland oo sadex meelood meel ah dhulkii Jamhuuriyada hore ee Soomaaliya.

Qoraalka danbe waxaanu ku eegi doonaa si qoto dheer wadahadalka ka socda Turkiga qodobadii lagu lafo guray iyo Qorhsha ka socda Villa Somaliya ee liddiga ku ah nidaamka Federaalka ku dhisan habka ismaamul Gobaleedka (States)!

Hussein Farah
Horseed Media

Comments

  1. says

    Walal somaliya waxaan faderalka xagee uga yimid Horta!! Aniga waxan u arkaa federal waa qabiilkii oo lanafaqeyey…!! Somaliya awalba waxey aheyd waqooyi Iyo koonfur AMA hargeisa Iyo Xamar maxaa marka hada dadka loogu bahalo galinaa.

  2. shamao says

    xasan shikh iska daya ha walaqe bal meshu ku danbeyo hala arko habar fadhida lagdini la fudud wale taangi amisom inadan ku jirayn dheh ninka kabahaga udhibanayso kuwisa la firiya marka puntland tagto talabsatay wana dowlad madx banan cidana lwh hubna haysta nin kasta iska celinkarta amisom anaga nama ilallise bal hawiye marka hore ha heahiyo markaa haa arko