Kenya: Dib-u-celinta qaxootiga hormar bay u horseedaysa Soomaaliya

Joseph Ole LenkuDowladda Kenya ayaa ugu baaqday Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya in ay soo magacawdo xubnaha u matalaaya howlaha lagu soo daabulaayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya.

Magaalada Nairobi waxaa ka dhacay shalay shir uu soo qaban qaabiyay Ururka Midowga Afrika oo ku saabsanaa sidii xal loogu heli lahaa mushkilada ka taagan qaxootiga tirada badan ee ku nool daafaha qaarada Afrika.

Xogheyaha arrimaha gudaha Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in dhinacyada kale ay khusayso arrimaha dib u celinta qaxootiga ay soo magacaabeen dadka u matalaaya howsha isla markaana ka war sugayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya in iyaduna soo magacawdo dhankeeda.

Wuxuu sheegay in haddii qaxootiga Soomaaliyeed dib loogu celiyo wadankooda ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka wadanka isla markaana Hay’addaha caalamiga dib u dhisi doonaan Hay’addihii dowliga ee burburay.

Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in sidoo kale ay fursad u tahay Kenya in ay ku xaqiijiso ammaankeeda ayna dib usoo ceeshato deegaanka.

Qorshaha dib wadanka loogu soo celinaayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga  Dadaab iyo Kakuma ayaa ah mid la hindisay sanadkii hore.

Xeryaha qaxootiga ee Kenya ayaa waxaa lagu qiyaasa in ay ku nool yihin inka badan 200,000- Soomaali oo ka cararay dagaaladii sokeeye ee dalka ka qarxay.

Horseed Media

Comments

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!