Nicholas Kay: ”Waxaan ka walaacsanahay Xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland”

1966952_634406556614489_1871451647_nDanjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada ka taagan gobolka Sanaag ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.

Amb. Kay oo ka hadlayay Shir ay yeelanayeen Guddiga nabadgalyada iyo amaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xiisada ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag.

‘’ Waxaan ka walaacsanahay xiisada milateri ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ee gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana ugu yeeraya deganaansho iyo in laga hortago iska hor imaad,’’ ayuu ku yiri khudbadiisa oo si guud uu uga hadlayay xaaladdihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Xiisada ka dhex aloosan labada dhinac ayaa yimid kadib markii todobaadkii hore uu Madaxweynaha maamulka la magacbaxay Somaliland Axmed Siilanyo uu booqasho qarsoodi ah ku tegay degmada Laasqoray.

Arrintaas ayaa sababtay in Dowladda Puntland ay ciidan geyso xuduuddaheeda gobolka Sanaag, waxaana sidoo kale ciidamo soo dhoobay gobolka Sanaag maamulka gooni isu taaga ku dhawaaqey ee Somaliland.

Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.