Ciidamada Somaliland iyo malayshiyadii la socotay oo ka baxay degmada Taleex

Ciidamada maamulka Soomaaliland iyo malayshiyo taageersanayd oo shalay qabsaday magaalada Taleex ee gobolka Sool ayaa maanta isaga baxay halkaas, kadib saacado badan oo ay degmada haysteen.

Cutubyo ka tirsan ciidamada hubaysan ee Soomaaliland oo xalay ilaa saaka isku balaadhiyey qaybaha degmada iyo deeganada ku dhow dhow ayaa si deg deg ah uga baxay Taleex, goor duhurnimadii maantay ah.

Cismaan Xirsi oo ah goob jooge degmada Jooga ayaa Horseed media u sheegay in ciidamadu magaalada ka bexeen oo ay u dhaqdhaaqeen dhanka magaalada Laascaanood ee xaruunta gobolka Sool.

Ilaa hadda lama oga sababta ka dambaysay bixintaanka ciidamada Soomaaliland, waxayse maanta la shireen odoyaasha degmada, sidoo kale waxaa saaka ku banaan-baxay shacabka magaalada Taleex oo diidmo ka muujiyey joogitaanka Soomaaliland. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland cabsi dagaal uga baxeen magaalada oo aysan ka fogeyn halka ay degeen si ay isaga caabiyaan weerar uga yimaada jiho kasta.

War-saxaafadeed uu weriyaasha u akhriyey wasiirka warfaafinta Puntland maalintii shalay (Talaada), wuxuu ku sheegay in maamulkiisu ay talaabo macquul ah ka qaadi doonaan daan-daansiga Soomaaliland ay ka wado dhulka Puntland.

IGAD, midowga Afrika iyo beesha caalamka ayaa Puntland ogaysiiyey in ay talaabooyin la mid ah tan Soomaaliland ay qaadi doonto, isla markaasna aysan muujin doonin dulqaad intaas ka badan iyo dhowristii derisnimo ee hore.

Horseed Media

Comments

  1. Qooqane says

    Puntland iyo somali land labaduba way kibirsan yihiin oo barwaaqadaa u been sheegtay wax aysan lahayn ayeey isku haystaan reer walbi wadankii ay lahaayeen way haystaan waanay u nabad qabaan wadamadoodii maxay u carqaladaynayaan dad dhulkood kuwase laysku dul haysto may dadkooda u naxaan oo hadba dhinac ka soo qadaynaaya war aduun magac baa ka haree oon ceebeed ha cunina ilaahay ka baqa maatada iyo maxaasta haloo naxo xaqdarada ha layska daayo

  2. darwiish says

    Degaanadaad ay soomaalida land gashay, haday tahay laascaanood ama taleex,miyey kula tahay way geli lahaayeen hadaynaan dadka degan la socon

  3. abdi says

    Ciidanka somaliland siyaasad rabeen waa heleen dhib ayee iska noqdeen lascanood ayaa hada joogaan puntland garoowe tv iyo radio ha ka hadasho ha tiraado waa argagaxnaye lol

  4. says

    waxay ila tahay ciyar waa galin danbe wayo ninlah nin gurisa kuma joji karo xog ninki rabah inu gostana wuxu xor u yahay tuloyinkisa hadu gosanayo e waxa jira dad harubkadi buxsamay

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!