Ergaygga Qaramaada Midoobay oo ku baaqay in dulqaad iyo Xasilooni laga muujiyo arrimaha Gobolka Sool

Nicholas-KayTaleex160414
Ergaygga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa dareen ka muujiyay shaqaaqadda ka dhexdhalatay ciidamo ka socda Soomaaliland iyo kuwo ka socda Puntland, oo ku murunsan Gobolka Waqooyi ee Sool, gaar ahaan magaaladda Taleex.

“Waxaan ku baaqayaa in la muujoy dheganaansho. Xaaladda laguma xalin karo hab ciidan. Dhamaan dhinacyada ay arrintu khusayso waa in ay muujiyaan dulqaad, kuna kicin ficil keeni karo dagaal. Waana in ay sida oogu dhakhso badan u damiyaan buuqa jira/ ama u qaboojiyaan xaaladda. Waana in ay ku xalliyaan arrimahoodda si ay ku dheehantahay xasilooni, nabad iyo isu tanaasulid.

Dadka Soomaaliyeed way soo dhibtoodeen in kufilan, waxayna ogyihiin in wax wanaag ah aan lagu gaareeynin dagaal iyo amni la’aan. Xafiiska UNSOM iyo Bulshada Caalamka ayaa labaduba ku baaqaayo in la muujiyo dulqaad aad u weyn. Waxaan diyaar u nahay inaan dhinacyada ka taageerno wixii dhexdhexaadin ah” ayuu yiri Egreyga Gaarka ah.

Dhamaad

Faafin: Horseed Media

Comments

  1. says

    waxaan in badan maqlayey dhibaatada Soomaaliya beesha caalamku lug bay ku leeyihiin, waxaan is waydiin jiray siday ugu leeyihiin? waxaa maanta halkan ka cad hadalka Nicholas kay Inay si toos ah iyo si dadbanba dhibka Soomaaliya looga wado Banaanka weliba si gaar ah Dawladda Engiriiska, oo maxay tahay, mar kasta oo Maamulka Dirta waqooyi talaabo qaado ama dhul qabsado wax canbaarayn ah beesha caalamka kama timaado aan ahayn hanbalyo iyo horumar baad samayseen isaaqow, mar kasta oo puntland erey tiraahdo ka dhan ah Soomaalida waqooyi waxaa soo dhacaya qaylo dhaan iyo canbaarayn weliba digniino cunaqabatayn wata ku jiraan!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!? hadda shalayto dagaal baa taleex lagu qabsaday Nicholas kay ma canbaarayn, puntland baa arrintaas cabasho ka muujisay, Nicholas kay puntland wuxuu u soo jeediyey inay dulqaad muujiyaan, marka saw ma cada in Xafiiskaasi u qaabilsan yahay Googooynta Soomaalia weliba Mr Kay waa nin british man ah?/////?????????????????????????????

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!