Afhayeenka al-Shabaab oo ka hadley sababta ay Xildhibaanada u dilayaan

calisheereAfhayeenka Ururka al-Shabaab Shiikh Cali Cali Dheere ayaa faah-faahin ka bixiyey sababta ka danbeysa oo dilalka ay u geysanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Cali Dheere oo waraysi siinaayey mid kamid ah warbaahinta al-Shabaab ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay isu yaqaanaan Sharci-dejiyaal, waxay sameeyeen sharci la isku xukumo waxayna diideen in la isku xukumo kii Rabbi ayuu yiri Cali Dheere, taasna waa sababta u weyn ee ay ku muteysteen in la dilo.

Cali Dheere ayaa ku goodiyey in ay sii wadayaan dilalka isdaba jooga ah ee ay ku hayaan Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana oo malayshiyaadka taabacsan ururkiisa ugu baaqey in aysan meelna ku cafin Xildhibaanada Baarlamaanka.

“Ha ogaadeen in aan meelkasta ugu imaaneyno, AMISOM nagama kiin celin karto iyaga ayaan ku weerarney Madaxtooyada oo ka dilney taliye ku-xigoonkoodi, meelkastana waan idiinku imaaneynaa ayuu yiri Cali Dheere.

Labadii maalmood ee la soo dhaafey ayaa laba Xildhibaan lagu diley magaalada Muqdisho taas oo aan cidna loo soo qaban, Dilalkan ayaa wel-wel ku abuurey Xildhibaano badan kuwaas oo qaarkood ay isaga baxeen Muqdisho.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.