Gobalka Bari oo guushii ugu horeyey ka gaaray tartanka iyo gobalka Mudug oo loo awood sheegtay

sol

Waxaa garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare ee magalaada Garowe maanta ay ciyaar adag ku dhexmartay gobolada Bari iyo Cayn, waxa ayna ciyaartaasi qeyb ka ahayd tartanka goblada Puntland

Waxa ay ka wada tirsan yihiin Labada gobalka guruubka B , iyadoona galabta cyaartii dhexmartay ay ka soo qeyb galeen taageeraayaal aad u fara badan oo ka kala socday labada gobal

Ciyaarta ayaa ku bilaawatay weerar iyo weerar celis ay isku qaadayeen ciyaartoyda laba gobalka.

Xulka gobalka Bari ayaa u suurta gashay qeybta hore ee ciyaarta in ay ku hogamiyana ciyaarta 1-0 sidaasi ayaana lagu kala nastay qeybta hore .

Markii la siku soo laabtay oo ay weeraro isweydaarsadeen labada gobalka ayaa waqtigii loogu tala galay ciyarta ku dhammaatay 1-eber oo guusha ku raacday gobalka Bari

Xulka gobalka Bari guusha uu maanta gaaray ayaa ah middi ugu horeysay, maadaama kulankii ugu horeeyey laga badiyey

Xulka gobalka Cayn ayaa rajadii uu ka qabay u soo bixitaanka afar dhammaadka  ciyaaraha ay mugdi gashay kadib markii laga badiyey laba ciyaar oo is xiga

Dhanka kale waxaa isla galabta ay ciyaar adag dhexmartay xulka gobalka Sool iyo Mud oo iyana ka tirsan guruubka B

Waxa ay ku bilaawatay ciyaarta weerar iyo weerar celis ay isku qaadayeen laba gobal

Waxaa xulka gobalka Sool u suurta gashay in ciyaarta ay hal iyo eber ku hogaamiyaan, waxana qeybta hore ee ciyaarta lagu kala nastay hal iyo eber

Markii la siku soo laabtay qeybta dambe ee ciyaarta oo la filayey in gobalka Mudug oo la yimaado goolka bar bar dhaca aah yaa taasi waxaa meesha ka saaray ciyaartoyda xulka Sool oo gooshii labadad ka dhaliyey Mudug

Waxaa ay ku soo itlaatay ciyaarta  waqtigii lagu talagay 2-0 oo guusha ku raacday xulka Sool

Gobalka Sool ayaa u muuqda mid u soo baxay wareeg dhammadka ciyaarta maadaama guusha maanta ay gaareen ay ka dhigayso middi labaad

horseedmedia2014

 

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.