Xasaasiyadda Heshiiska maamul u sameynta Mudug & Galguduug, doorka Dowladda Federaalka iyo Maqnaanshaha Puntland

IMG_5583Iyada oo muddooyinkii danbe ay magaalada Muqdisho ku sugnaayeen masuuliyiin ka socotey maamulada Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu-sunnah ayaa maanta lagu shaaciyey heshiis ay wada gaareen dhinacyadaas, dowladduna ayidey kaas oo maamul loogu dhisaayo Gobolada Mudug iyo Galguduud.

Gobolka Mudug degmooyinkiisa dastuurka federaalku ictiraafsan yahay ee ka horeeyey 1991 waxay kala yihiin:

Gaalkacyo
Galdogob
Jariiban iyo
Xarardheere

Waxaa lagu daraa degmada Hobyo laakiin ka hor 1990 ma aysan ahayn degmo, saddex ka mid ah degmooyinkan waxa ay hoostagaan maamulka Puntland, Degmada Xarar dheere waxaa ka taliya Burcad-badeed iyo al-Shabaab, inkasta oo Galmudug ay ka taliso qayb ka mid ah Mudug iyo xaafad ka mid ah Gaalacyo ayaa mamulkan waxaa la huwiyey magaca ah gobolka Mudug iyada oo aan gobolkii labo loo qaybin, arrimahan ayaa ka mid ah kuwa xasaasiga ah ee Federaalku iska lee yahay.

Dhismihii maamulka Puntland 1998 axdigii lagu dhisey waxaa lagu qeexay xuduuda gobolka Mudug waxaana la siyey astaanta ah Waqooyiga Mudug kaas oo ay degaan dadka reer Puntland ee Bud-dhigga u ahaa dhismihiisi, lama wada huwin magaca ah Gobolka Mudug maadaama qaybo ka mid ah dadka dega aysan dooneyn in ay ka mid noqdaan Puntland.

Dad badan ayaa aaminsan in heshiiskan magaca la hwuiyey ee ah maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galguduud ay tahay marin habaabin iyo mid khilaaf cusub gelineysa Puntland iyo Dowladda Federaalka, ama laga lee yahay dano kale oo ka fog taas.

Waxaa la is weydiinayaa halka dowladda federaalku u taqaano Mudug?, maxayse tahay sababta loogu qeexi waayey Koonfurta Mudug, haddii dadka dega halkaasi aysan dooneyn Puntland macne kale oo siyaasadeed loogu yeeli waayey? maadaama inta badan gobolkaas degmooyinkiisa iyo weliba caasimadiisu ay hoostagaan Puntland. Dowladda federaalku waxay si weyn uga hortimid magacii ahaa Jubaland, waxaana ay xujeysey in magacaas meesha laga saaro laguna beddelo maamulka Jubba, haddaba waa maxay waxay arrintan kaga qancinayaan maamulka Puntland ee inta badan gobolka Mudug hoostago.

Maamulka Puntland sidee u arkayaa khiyaanadan iyo isticmaalka magaca Mudug kadib dhismihii maamulka Puntland oo la xusaayo berri 16 sano jirkiisi!

Akhri Heshiiska maamul u samaynta MUdug & Galguduud

Eeg Sawirada Saxiixa Heshiiska

Yusuf Sharmarke
Horseed Media

Comments

  1. C kayeer says

    Somaliya waxaa ay ubaahantahay hugaamiye mas uul ah, oo dhibaato aan soo dhex digin dadka Somalida sheegta.Garan mahahyo waxa ku qasbay Mr Culusow inuu qaladaad noocaan oo kalaa suubiyo.mawuxuu doonayaa dagaaladii dadka somalidaa dhex yiil inuu soceliyo.Ma wuxuu doonayaa inuu noqdo nin dagaal qabiil suubiya ama gobol ama isbahaysi (a new war lord).Ilaa malintii aduunka la abuuray Mudug waxaa lagu yiqiin Somalia runtaa oo Mudug dagta , dadka maanta Mr Culusow Mudug kala tashanayo maaha dalkood iyo dadkood, waxaa ay noola muuqdaan dad carabi soo marti galisay oo Africa ka keentay ilmo ayku dhaleen. Waxaa la yaaba waxa ku khasbay Villa Somalia in si cadaana ay uga taliso arimo colaad run ah abuuraya oo Somalia ku kala furin meeshii ay joogtay.Waxaa ku haboon dadkii ka dambeeyey arintaas in ay ka raali galiyaan shacabka ay qaladka iyo gafka ugaysteen. In madax tooyo Cusub Somaliya loo suubiyo inta aan dhibaato la abuurin.

  2. says

    wax ay puntland hada ka cabsato meesha ma yaalaan dadkaana shuruuuda ma buuxin karaan

    marka sheekadu waxay iila muuqataa galmudug,ximan iyo xeeb ahlusuna intaas hadayba israacaan

    oo hishiiyaan soomali oo dhan waaba hisheenaysaa

    lkn waxan sugnaaba waa ayagoo intaas ku dagaalamaan maamulka marka pl maxayba ka didaa waa meel cidla ah

  3. J says

    Ujeedada laga leeyahay in dowlad-goboleedkaan lagu sheego mid ka kooban gobolada Mudug iyo Galgaduud, waa in loo ekeesiiyo in dowlad-goboleedkaan uu ka kooban yahay 2 gobol, maadaama dastuurku qorayo in 2 gobol iyo ka badan kaliya noqon karaan dowlad-goboleed.
    Laakiin xaqiiqdu waxey tahay, in dowlad-goboleedkaan uu ka koobnaanayo 1 gobol iyo bar, haddii uu hirgelo, maadaama dagaalki sokeeye kadib uu gobolka Mudug qeybsamay.

    Sababta sidaan loo yeelayo ayaa u muuqata, in aan la doonayn in la isku daro gobolada Galgaduud, Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo koonfurta Mudug, oo laga dhigo hal dowlad-goboleed , sababta oo ah, waxaad mooddaa in la doonayo, in gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan laga dhigo hal dowlad-goboleed, halka Koonfurta Mudug iyo gobolka Galgaduud la rabo in laga dhigo hal dowlad-goboleed kale, halkaasna lagu helo 2 dowlad goboleed oo hoos yimaada beesha Hawiye.

  4. says

    War arintu ma Lajiifshaana banaan baa mise Puntland ayaa qaar lagoostay?
    waxaan ula jeedaa sidaa horta intaanba lagaadhin ereyga la isticmaalay ee ah mudug iyo Galguduud, dastuurka Federaalka waxaa kuqoran waxaa maamul goboleed noqonkara 2 gobol iyo wax kabadan.
    marka laba gobol ilaa meesha mataalo oo waa galguduud iyo degmo kamid ah G/mudug. hadaba madastuurkaa Lajiifshaana banaan ah mise Puntland ayaa G/mudug laga goostay? sidee loo isticmaalay heshiiska mudug iyo Galguduud iyadoo mudug inteeda badani tahay Puntland.
    waxaan leeyahay arintaa Dawlada puntland sidegdeg ah jawaab hawga bixiso

  5. warsame khalaf says

    Isticmaalka Mudug maaha mid keenidoona waanaag iyo Somalinimo , mas uuliyadna kama Dambaysa , Mudug waa magac iyo Guri Puntland . GF kama fursan doonto in ka waantowdo khalad iyo been abuur .

    Puntland dad iyo dal maaha mid ubaahan in qaladaad lasoo dhex galiyo .

  6. Cadceed says

    A/C, salaan ka dib waxaan soo dhawaynayaa heshiiska maamul gobaleedka cusub Mudug & Galgaduud oo lagu kala saxiixday Villa Somalia Caasimada Muqdisho kaa soo ka soo baxay heshiis lagu kala qoqobayey Somalia sanadaadkii 2000 ee reer Puntiland u ololaynayeen, hadaba waxaan shacabka & maamulka Puntiland laga rabaa inay soo dhawayaan maamulkaan jaarkood ah.Hadiise ay ka horyimaadaan ogsoonaada waxaa lagu noqon xiliyadii madoobaa ee dagaalkii ahliga 1991.

    • says

      Ma waxad kawada sidi 1991 aan dumarki iyo carurti iyo odey dhaqmadyadi aad ku goracden galkacyo hadalkaga ader sificin shacabka ugu sharax

  7. Ali runsheeg says

    DAWLADA FEDERALKU WAY KU MAHADSAN TAHAY, WAAYO IN GOBOLKA MUDUG HAL MEEL LA ISU RAACIYO WAA FIKRAD WANAAGSAN, MAGAALO MADAXNA GAALKACYO LOOGA DHIGO. TAAS BAA FEDERAAL DHAB AH,

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!