Puntland oo mowqif adag ka qaadatey Dowladda Federaalka(Dhegeyso).

 

IMG_4884

Shir Socday mudo saaco ah ayaa  ka qabsoomay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe  Galabta gelin kii dambe waxaa looga hadlayey saacadahaas kooban Maamul u  samaynta Gobolada Galgaduud iyo Mudug oo ay wado dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay ku dhamaayeen Saddexda Gole ee dowlada ayaa lagu falaqeeyey sida loogu xadgudbay dhulka Puntland oo qayb ka mida lagu dari rabo maamul cusub oo laga dhisi doono gobolada dhexe, shirka waxaa sidoo kale looga hadlay sii wadashaqaynta Puntland iyo Dowlada Federaalka oo meesha laga saaray toosna dowlada Puntland xiriirka ugu jartay Dowlada Soomaaliya.

Shirka waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo khuseeya Puntland iyo xubnaha Puntland ugu jira Dowlada federaalka oo la amray in ay si deg deg ah ku yimaadaan Puntland si shir loola qaato, Dowlada Puntland waxa ay dib ugu yeertay gudoomiyaha gudiga dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya Marwo Caaso Geeli Diiriye.

 

Hadaba Hoos ka akhri Qodabada iyo go’aamada ka soo baxay Shirkii Galabta.

1-Dawada Puntland waxay ka soo hor jeedaa heshiska maamul usamaynta Gobolada dhexe kaa soo khilaafsan dastuurka dawlada federaalka.

2-Waxay dawlada puntland aad uga xuntahay ka qaybgalka Xunbnaha Beesha caalamka iyo in ay marhkaarti ka noqoto heshiis khilaafsan dastuurka Dawlada federaalka.

3-Waxay dawlada Puntland nasiibdaro u aragtaa in madaxdiisare ee dowlada federaalka ay horsed ka noqdaan heshiis ka hor imaanaya Dastuurka dawlada federaalka ah iskana horkenaya Bulshada somaliyeed.

4-Dawlada Puntland waxay wada tashi ugu yeeraysaa Xubnaha kaga jira Goloyaasha dawlada dhexa ee ka soo jeeda deeganada Dawlada Puntland muddo 15 casho gudahood, ugu dambeyn 15 August 2014.

5-Dawlada Puntland waxay dib ugu yeeraysaa xubintii uga wakiilka aheyd Gudiga dib u eegista Dastuurka Marwo Caasha Geele Diriye.

6-Dawlada Puntland waxay go aan ku gaartay inay gabi ahaanba joojiso wixii xiriir iyo wada shaqayn ah ee ay la lehayd dawlada dhexe ee federaalka.

7-Dawlada Puntland waxay cadaynaysaa wax ala wixii dhib ah ee ka yimaada heshiiskaas aan sharciga ahayn ee mamul u samaynta Gobolada dhexe ee lagu sheeganayey qayba ka mid ah Deegaanada Puntland ay mas uul ka tahay dawlada federaalka ah.

Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas.

 

 

Horseed Media.

Garoowe.

Comments

  1. Puntland hala badbaasdho says

    In hawada la isu mariyo hadalo waxaa ka fiican in la wada hadlo,Somalia ma kala maraanto Cabdiwali .Cbadiwali Gaas waxuu u hadli karaa gobolka mudug balse Nugaal,Sool Sanaag ma aqbalayaan in Dawladda xirirka loo jaro,waxii aad qarsataa waa ku qarsadaan,

  2. Cadceed says

    Puntiland waa inay xaqiiqda iska idhatirin waayo cabdiwali gaas shalay markii uu support garaynayey jubaland oo dadkii dhulka lahaa loo soo adeegsaday ciidamada Kenya asagii oo raysalwasaaraha dalka ah oo loo gacangalinayey dad aan dhula u dhalan wuxuu ahaa asaga,faroole iyo kuwa la mid ah kuwii kaalinta hore kaga jiray;in la duudsiiyo qabaa’ilooyin dhulkaas xaqa ulahaa dhulkooda;ka soo gudub markii shabeelaha hoose lagu darayey maamulka koonfur galbeed ee 3 gobol cabdiwali gaas & maamulka Puntiland waxay ahaayeen dadkii ugu horeeyey ee taageera maamulkaas. Hadaba waxa iswaydiin mudan markii lagu dhawaaqay dowlad gobaleedkaan cusub Mudug & Galgaduud waxa aflabadiis uu la yeeray anagoo og (0.003%) inaysan ka ahayn shacuubta degta Mudug?!!!!!!!!.

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!