Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo loo Doortay Axmed Cali Xaashi (Sawirro)

Published: November 9, 2015

Wareega u dambeeya oo ay isku soo hareen musharixiinta Axmed Cali Xaashi iyo Cabdixakiin Dhoobo Daareed, Waxaana ku guuleystay Gudoomiyha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi oo Helay 41 Cod.

Musharaxa la tartamayey ee Dhoobo Daareed ayaa helay 22 Cod sidaasna waxaa xilka Gudoomiyaha saddex sano ee dhiman haynaya xilka Axmed Cali Xaashi oo horay u soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka sanadihii 2005 ilaa 2009.

Advertisement

Musharax Dhoobo Daareed ayaa ugu hambalyeeyey xilka uu ku guuleystay Gudoomiyaha aarlamaanka Axmed Cali Xaashi wuxuu sheegay in dadaal uu suubiyey balse uusan noqon musharax guuleysta siyaasadiisa ayuu xusay in uu sii laba jibaari doono hanka ku jirana uu sugayo xiliga uu u rumoobayo.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in uu uga mahadcelinyo dhaman xildhibaanada codka bixinayey isagoo sigaar u hambalyyeyey xildhibanada codka siiyey, Wuxuu sheegay in shaqada loo doortay uu u gudan doono si daacad ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *