Faafaahin: Dagaalka dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Galmudug ee magaalada Gaalkacyo

Published: November 22, 2015

Wararka u dambeeya ee Dagaalka ayaa sheegaya in uu joogsatay Rasaastii dhacaysay iyo dagaalka waxaan dib loo durkiyey maleeshiyaadka Galmudug ee weerarka soo qaaday saaka, Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ayaa la sheegayaa in ay dhimashadu ka badan tahay 4 qof iyo 43 Qof oo dhaawac ah oo isugu jira dhinacyada dagaalamayey iyo dad shacab ah.

Ilaa hada khasaaraha dhabtaa ee soo gaaray dhinacyada dagaalamaya ayaan la Ogeyn walow khasaaraha u badan uu saameeyey shacabka labada dhinac oo xabaduhu xaafadahu ugu tageen.

Taliyaha Ciidamada Birmadka Gaalkacyo Cabdirashiid Xasan Xaashi ayaa ka hadlay sida ay xaalada tahay isagoo sheegay in weerarka ay kala kulmeen meeshiyada Galmudug oo uu xusay in ay sheeganayaan dhul dowladda Puntland waddo laami ah saarayso wuxuu sheegay in goobta ay ka saareen maleeshiyada xaaladuna hada tahay mid degan.

Taliyaha wuxuu sheegay in kooxda weerarka ku soo qaaday ay isticmaalayeen hubka waa-weyn ee tiknikada kana difaaceen in shacabka Puntland waxyeelo ka soo gaarto sida uu hadalkiisa u dhigay. Wuxuu sheegay in amaanka gobolka iyo magaalada Gaalkacyo illaalintiisa ay u taalo ciidamada iyo shacabka Puntland.Audio Player

Waxaa uu dagaalka ka bilowday muran ka dhashay waddo laami ah oo la doonayey in la saaro kantoroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo kaasi oo ay gacanta ku hayeen Puntland isla markaana ay ka horyimaadeen maamulka Galmudug ee ka arrimiya xaafada Baraxley ee koonfurta Gaalkacyo.

Dowlada Puntland oo dhismaha wadooyinka ka wada magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa dhowr wado oo laami ah ka waday magaalada Gaalkacyo.

Wadada hada xiisada ka taagantahay ayaa dhexmarta xaafada Garsoor ee Galbeedka Gaalkacyo oo uu ka taliyo maamulka Puntland illaa iyo xaafada Baraxley ee koonfurta magaalada oo ka tirsan Galmudug, waxaana ka horyimid in wadadaasi la dhiso dhanka Galmudug, halka shacabka ku dhaqan xaafada Garsoor ay iyaguna taageersan yihiin dhismaha wadadan cusub.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Galmudug ay rasaas ku fureen shaqaalaha wadada dhismaheeda wada, taasi oo ay ka jawaabeen ciidamada Puntland ee illaalinayey nawaaxigaasi.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa sheegaya in la maqlayo rasaas culus iyo kuwa fudud oo labada dhinac ay isweydaarsanayaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in rasaas culus oo kasoo dhacday dhanka Xaafada Baraxley ay waxyeelo gaarsiisay dad rayid ah ee ku nool xaafada Garsoor ee Galbeedka Gaalkacyo, ciidamada Puntland ayaa dhankooda la sheegay inay la wareegeen qeybo kamid ah goobihii koonfurta Gaalkacyo oo ay rasaasta kasoo tuureen maleeshiyaad ka amar qaata maamulka Galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *